berberatoday.com
Dil fool Xun Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Gabadh Ushaqeysa Hay’ad Shisheeye Oo Lagu Khaarajiyay
May 2, 2018 - Written by Berbera Today
Dil fool xun oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Gabar u shaqeysa Hay’ad shisheeye oo loo geystay

Muqdisho(Berberatoday.com)-Maleeshiyaad ka tirsan xagjiriinta Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee maanta ku toogtay magaalada Muqdisho Gabadh la sheegay inay la shaqeyn jirtay Hay’ad hoostagta QM.

Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana la xaqiijiyay inay dileen ilaa Seddex dhalinyaro oo ka tirsan xagjiriinta.

Gabadha la dilay oo ushaqeyneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobey WHO, ayaa lagu Magacaabi jiray Maryan C/llaahi Maxamuud, waxa uuna Xafiiska Shaqadeeda ahaa Xafiiska WHO ee Koofur Galbeed Somaliya ama Magaalada Baydhabo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegeen in Dabley hubeysan ay Gabadhan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay.

Dilka kadib waxaa Meydka Marxuumada meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee C.I.D, halkaas oo lagula sameeyay baaris.

Si kastaba ha ahaatee, dilka marxuumada Maryan C/llaahi Maxamuud, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmahaani ay magaalada Muqdisho kusoo kordhayeen dilalka qorsheysan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews