berberatoday.com
Isbar Bardhiga Mohamed Salah, Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Ee Xogta Tartanka Abaal Marinta Xidiga Aduunka Ee Ballon d’Or
April 30, 2018 - Written by berberatoday berberatoday

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa si wayn u soo ifbaxayay sida Mohamed Salah uu xili ciyaareedkan ugu qalmo in uu ku guulaysto abaal marinta xidiga sanadka ee aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or kadib markii uu bandhig layaableh ka sameeyay kooxdiisa Liverpool isla markaana uu qarankiisa Masar u soo saaray koob aduunka ee sanadkan 2018.

 Mohamed Salah ayaa si buuxda loogu taageeray in uu noqdo xidigii ugu horeeyay ee soo gabagabeeya rekoodhkii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo tobanka sanadood ugu soo guulaysteen abaal marinta Ballon d’Or laakiin Salah ayaa wali u baahan in uu shaqo fiican sii qabto si uu tartanka abaal marintan ugu guulaysan karo.

Sida ay hadda u taagan tahay Mohamed Salah ayaa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kaga horeeya xogta xili ciyaareedkan ee gool dhalinta iyo gool caawinta heerka kooxood ee heerka qaranba wuxuuna u muuqdaa mid dariiqa u saaran in uu tartan adaga la galo Ronaldo iyo Messi.

 Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaysa isbarbar dhiga xogta Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo haddaba loo arko saddexda xidig ee sanadkan sida tooska ah ugu tartami doona abaal marinta Ballon d’Or.

Xogtan ayaa noqon doonta mid aanu u kala qaybin doono tartamadii ay saddexdan xidig ka soo ciyaareen si la mid ah wax qabadkii ay xulalkooda u soo sameeyeen sanadkan 2018 iyada oo mid kasta aanu xogtiisa oo dhamaystiran idiin soo gudbin doono.

Mohamed Salah ayaa ilaa hadda xili ciyaareedkan soo dhaliyay 47 gool oo iskugu jira heerka kooxeed iyo heer qaranba wuxuuna ila hadda yahay xidiga gool dhalinta kubbada cagta aduunka hogaaminaya isaga oo 31 gool ka soo dhaliyay Premier league halka 11 gool uu ka soo dhaliyay Champions League.

Mohamed Salah ayaa 51 kulan oo tartamada oo dhan ah kooxdiisa Liverpool iyo xulka qarankiisa Masar uga soo dhaliyay 47 gool waana sababta uu uga mid noqday xidigaha sida tooska ah ugu dagaalamaya abaal marinta Ballon d’or. Halkan ka akhriso xogta Mohamed Salah oo kooban.

Premier league: 31 gool iyo 33 kulan

FA Cupka: 1 gool iyo hal kulan

Champions League: 11 gool iyo 13 kulan

Xulkiisa Masar: 4 gool iyo 4 kulan

Wadarta: 47 gool iyo 51 kulan

Xogta Cristiano Ronaldo Ee Xili Ciyaareedkan Ee Ka Dhigi Karta Musharaxa Ballon d’Or:

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga labaad ee Mohamed Salah ku soo xiga isaga oo kooxdiisa Real Madrid iyo xulka qarankiisa Portugal u soo saftay 43 kulan wuxuuna ku soo dhaliyay 46 gool isaga oo 24 gool oo ka mid ah ka soo dhaliyay horyaalka La liga halka 15 gool uu ka soo dhaliyay Champions League. Xogta Ronaldo ee ilaa hadda halkan kaga bogo.

La Liga: 24 gool iyo 25 kulan

Champions League: 15 gool iyo 10 kulan

Tartamada Kale: 3 gool iyo 4 kulan

Xulkiisa Portugal : 4 gool iyo 4 kulan

Wadarta: 46 gool iyo 43 kulan

Xogta Lionel Messi Ee Xili Ciyaareedkan Ee Ka Dhigi Karta Musharaxa Ballon d’Or:

Lionel Messi ayaa isna  55 kulan oo tartamada oo dhan ah ee kooxdiisa Barcelona iyo xulka qarankiisa Argentina ugu soo dhaliyay 43 gool isaga oo 29 gool oo ka mid ah ka soo dhaliyay horyaalka La Liga halka  6 gool uu ka soo dhaliyay Champions League, waana xidiga kaliya ee ilaa hadda koobkii ugu horeeyay kooxdiisa kula soo guulaystay. Xogta Messi ee ilaa hadda halkan kaga bogo.

La Liga: 29 gool iyo 32 kulan

Copa Del Rey: 4 gool iyo 6 kulan

Champions League: 6 gool iyo 10 kulan

Tartamada Kale: 1 gool iyo  2 kulan

Xulkiisa Argentina: 3 gool iyo 5 kulan

Wadarta: 43 gool iyo 55 kulan

Haddaba akhriste iyada oo xili ciyaareedkan 2017/18 uu dhamaad yahay isla markaana ay Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi yihiin saddexda xidig ee xog ahaan ilaa hadda ugu horeeya, xidigee ayaad filaysaa in uu sanadkan u qalmo abaal marinta Ballon d’Orka?

Xuquuqda warbixinta: GOOL24.NET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews