berberatoday.com
Barcelona Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Waddanka Spain Ee LaLiga
April 30, 2018 - Written by berberatoday berberatoday

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay hammigeeda xili ciyaareedkan ee horyaalka, kaddib markii ay ku guuleysatay horyaalnimada oo ay u fududaysay Alaves oo ay marti u ahaayeen.

Saddexley uu Lionel Messi u dhaliyey ayaa ka caawiyey Barcelona inay markii 25aad ku guuleystaan horyaalka, taas oo sidoo kale ahayd markii 7aad ee tobankii sannadood ee u dambeeyey ay hantaan.

Xiddiga reer Brazil ee Coutinho ayaa furay dhalinta goolasha, waxaana kubbad aad u qurux badan oo aan laga filaynin uu dhex dhigay shabaqa Alaves ka hor intii aanu Lionel Messi ka dhigin 2-1.

Alaves ayaa markaas isa soo canaanatay, waxaanay soo bandhigtay ciyaar ka yaabisay xiddiga Barcelona, waxaanay la yimaaddeen labada gool ee lagaga horreeyey, sidoo kalena waxay iska khasaariyeen fursado badan.

Ciyaarta oo maraysa 2-2 ayaa daqiiqadihii 82aad iyo 85aad dhaliyey laba gool oo daran doori ah oo ka caawiyey Barcelona inay markii 25aad ku guuleysato horyaalka.

Iniesta oo soo galay dhamaadkii ciyaarta ayaa isaguna la qaybsaday farxadda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews