berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Bilowday Qorshe Hay’adaha Ku Qasbaya In Aanay Dalka Ka Fulin Mashaariic Ay Iyagu Soo Allifteen
April 27, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland, ayaa Awaamiir culus ku soo rogtay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa
Maxaliga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin.
Kulan Madaxda sare ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelintu Shalay la
yeesheen Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee
Wasaaradda wada-shaqayntu ka dhaxayso, ayaa waxa Hay’adaha lagu War-geliyey
awaamiir culus oo la xidhiidha habka ay Wasaaraddu doonayso inay ula shaqeeyaan
Hay’aduhu.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta Somaliland
Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal ka jeediyey kulankaasi oo hal maalin qaatay,
ayaa waxa uu u digay Hay’aduhu inay baal-maraan nidaamka cusub ee wasaaraddu
doonayso in Hay’aduhu ula shaqeeyaan “Waxaanu annagu doonayno ma nagala
shaqaynaysaan, mise waxaad idinku doonaysaan oo Xagga sare laga keenay baad rabtaan
inaad nagala shaqaysaan..”ayuu yidhi, Agaasime Ilka-casse, waxaanu intaa ku daray
“Maaddaama oo Wasaaraddii dib u habayn lagu sameeyay, sidii hore ee aynu u wada
shaqayn jirnay uma wada shaqaynayno gebi ahaanba, diwaan-baad Wasaaradda ku
yeelanaysaa, waxaad qabanayso ayaa la garanayaa, halkaad ka shaqayso ayaa la
garanayaa, haddii kale annaga nalama shaqaynaysid, imikaba hala wada maqlo, hadhow
Hay’ad baa Shaqada laga joojiyey iyo wax baa la yidhi waa waxa hadhow ergada laga
galo.”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay
in markii uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ay shaqada ka joojiyeen Hay’ado
“Berigii dhawayd Wasiirka Beeraha si wanaagsan ayaanu u wada shaqaynay oo Hay’ado
badan ayaanu shaqada ka joojinay markii aanu baadhnay ka dib..” ayuu yidhi, waxaanu
intaa sii raaciyey in Hay’adaha aanay kala saarayn “Annagu uma kala saaranayo
Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, waayo? Wasaarad ahaan xaq-baanu u

leenahay Cidda nala shaqaysa waxay qabanaysaa inay Cadaato, waxay ka
shaqaynaysaana Cadaato, Cidda aan sidaa noola shaqaynayna aanu ku nidhaahno nalama
shaqaysaba…”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews