berberatoday.com
UAE oo la xaqiijiyey inay sii wadayso taageerada Ciidan,Tababar & Maaliyadeed ee ay siiso Maamulada PL & Jubbaland+Gaas & Axmed Madoobe oo ku sugan Dubai
April 25, 2018 - Written by berberatoday berberatoday

UAE oo la xaqiijiyey inay sii wadayso taageerada Ciidan,Tababar & Maaliyadeed ee ay siiso Maamulada PL & Jubbaland+Gaas & Axmed Madoobe oo ku sugan Dubai

 

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dubia ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in ay dawladda Imaaraatka Carabta ay si rasmi ah ugu sheegtay hogaamiyaasha maamulada Puntland & Jubbaland in ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidamada labadaas maamul, xili ay gabi ahaanba joojisay taageeradii ay siin jirtay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Hogaamiyaasha labadan dawlad gobaleed ayaa hadda kusugan dalka Imaaraatka Carabta, waxayna qeyb ka ahaayeen siyaasiin xilal sare kasoo qabtay Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Dubia oo ay ka wada hadlayeen sidii lays ku waafajin lahaa xidhiidhka Imaaraatka & Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya asbuucyadii lasoo dhaafay, balse hadda ayaa la xaqiijiyey in uu kusugan yahay magaalada Dubia ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta, isagoo halkaas qeyb kaga noqday siyaasiin badan oo diidan in xidhiidhka Imaaraatka la xumeeyo.

 

 

Caqabad cusub ayay ku tahay dawladda Faderaalka Soomaaliya in qaar kamid ah dawlad gobaleedyada dalka ay ka xidhiidh furtaan markale siyaasadda arrimaha dibada ee dawladda, taas oo dhaxalsiin doonta Xukuumada & Madaxtooyada Soomaaliya rafasho kale oo siyaasadeed xoog badana.

Talaabada ay qaaday Xukuumada Imaaraatka Carabta ee taageerada ay ku siinayso maamulada Puntland & Jubbaland, xili ay Tababarayaasheedii iyo qalabkii Milateriba kala baxday magaalada Muqdisho ayaa noqonaysa xasarado siyaasadeed oo xoog badan, kuwaas oo aan la garan Karin halka ay ku dambeyn doonaan, waxaana muuqata in hirdi siyaasaded oo xoog badan bilaaban doonto.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews