berberatoday.com
Gantaalkii Guddoomiye Cirro Ganay Oo Gubay Xukuumadaha Kursiga Kala Dhaxlay Ee KULMIYE Iyo Safafka Loo Galay Sidii Loogu Ujawaabi Lahaa
April 25, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ayaa si weyn uga cadhooday nuxurka ay xambaarsanayd khudbad uu guddoomiye xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro jeediyey todobaadkii hore.

Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa safaf u galay warbaahinta sidii ay ugu jawaabi lahayeen nuxurka ay sida khudbadii ay u riyaaqeen shacabka reer Somaliland oo uu Cirro jeediyey todobaadkii tegay, waxaanay u tafaxayteen sidii ay ugu jawaabi lahayeen eedo uu guddoomiye xisbiga Waddani u jeediyey Madaxweyne Biixi iyo madaxwayihii uu kursiga ka dumaalay ee siilaanyo.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibeda xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo safiirka imaaraadka carabta oo si gooni gooni ah ula haddley warbaahinta kala duwan ee Somaliland oo isku dayey inay ka difaaceen xukuumaddaha kursiga kala dumaalay ee KULMIYE eedo iyo gantaalo siyaasadeed oo uu guddoominayey Cirro ku garaacay ayaa Ku haftay iyagoo siyaabo kala duwan oo is khilaafsan uga haddley fadeexada qaraxdey ee Heshiiska dekeda Berbera .

Waxa kale oo isna isku dayey inuu ka difaaco eedahaas uga yimi guddoomiye cirro xukuumaddaha kursiga kala dhaxlay ee KULMIYE guddoomiye golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE jaamac shabeel oo isna warbaahinta kula haddley jimcihii ina soo dhaafay magaalada Hargeysa, balse isna waxa uu ku tiraabay hadal Cay iyo aflagaaddo ah oo ka dhan ah guddoomiyaha waddani.

Dhanka kalena xukuumadda kursiga kala dhaxlay ee KULMIYE oo kale diwaayey khudbad uu jeediyey guddoomiye Cirro ayaa waxay soo shidaalisay guddoomiye guurtida iyo kooxo kale si ay uga difaaceen, kuwaas oo warbaahinta la haddlay ayaa iyana eedo ay usoo laqintay xukuumadda ku miisay gudoomiye cirro.

Geesta kalena wasiirkii hore ee madaxtooyadda cahdigii siilaanyo maxamuud xaashi iyo kooxo weji ku macaash ah oo ay xukuumadda Madaxweyne Biixi soo shidaalisay ayaa iyana warbaahinta la hadley si ay u difaaceen xukuumaddaha kursiga kala dumaalay ee KULMIYE, kuwaas oo dhammaantood si adag ugu jawaabay guddoomiye Cirro.

Ugu dambayntii xukuumadda kursiga kala dhaxlay ee KULMIYE, ayaa ilaa hadda la wareersan sidii ay uga jawaabi lahayeen fadeexada soo if baxdey ee Heshiiska dekeda Berbera iyo eedaha uu guddoomiye xisbiga Waddani kusoo ganay, waxaanay bulshadu dhawraysaa halka ay saldhigato xaajado iyi sida ay xukuumaddu uga dabaalato fadeexadaha dul Hoganaya.

 

 

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews