berberatoday.com
Iska Hor Imaad Xooggan Oo Ka Socda Xeradi Hore Ee Tababarka Imaaraadka Ee Magaalada Moqdisho Hadda
April 23, 2018 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Iska hor imaad xooggan ayaa ka socda Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon ee degmada Hodan ee magaalada Moqdisho , halkaasoo aheyd xaruntii ay Imaaraadka Carabta ciidamada ku tababareen.

Image result for Ciidamada Imaaraadka Ee Muqdisho

 

 

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu salka ku haayo baabuur dagaal oo la doonayo in xerada lagala baxo, iyadoo ciidankii xeradaas ku sugnaa ay diidan yihiin.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa la sheegay inay xerada tageen, iyagoo doonayay inay kala soo baxaan gaadiid, hase ahaatee laga hor istaagay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Xerada oo maalmo ka hor ay la wareegeen Taliska Ciidanka xoogga dalka, waxaana ciidankii uu horay u tababaray Imaaraadka loo bixiyay magaca Guutada Daljir.

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah uga guuray xerada, iyagoo uga tagay gaadiid dagaal, kuwa xamuulka, booyado, ambalaasyo iyo agabyo kale oo loogu tala galay ciidankii horay u tababaray.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews