berberatoday.com
Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Xil Ka Qaadista Xoghayihii WADDANI Ku Xidhiidhsan Tahay Hadal Uu Dawladda Xamar Kaga Difaacay Heshiisyada Berbera
April 17, 2018 - Written by Berbera Today

“Xamar Hadday Leedahay Annaga Ayay Naga Tirsan Tahay (Berbera) Annagaaba U Markhaati Furayna (Xukuumadda Somaliland) Oo Leh…” Xuseen Axmed Caydiid

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo hadda ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xil ka qaadis uu Hoggaanka xisbigaasi doraad ku sameeyay Xoghayihii guud ee Xisbigaasi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Warka KoowaadFadhi ay Doraad Magaalada Hargeysa ku yeesheen Guddiga fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI isla-markaana uu guddoominayey Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu sheegay in Xilka lagaga qaaday Xoghayaha Guud ee Xisbigaas oo lagu eedeeyay inuu ka hor-yimid Mowqifka uu Xisbigu ka taagan yahay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera iyo heshiiska Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhigga Ciidan kaga dhisanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Xuseen Axmed Caydiid oo Shalay u warramay Telefiishanka Bulsho Tv, ayaa sheegay in Xil ka qaadista lagu sameeyay Xoghayaha guud ee WADDANI loo maray sifo Sharci ah, maaddaama buu yidhi Xoghaye Maxamed Cabdillaahi (Uur-cadde) uu ka hor-yimid Mowqifka uu xisbigu ka taagan yahay heshiisyada Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda DP World iyo Dawladda Imaaraadka Carabta.

Mr. Caydiid oo Sharraxaya halka uu ka soo bilaabmay khilaafka soo kala dhex galay hoggaanka WADDANI iyo Xoghayaha Xilka laga qaaday, ayaa yidhi “Waxaad ogaydeen beri-dhawayd oo la isku yar qabtay Dekedda Berbera ee DP World (Maalgelinayso) oo hadallo soo baxeen iyo Mowqifka Xisbigu taagan yahay, in Xoghayaha Guud uu keligii isagoon Xisbiga la tashan uu Dawladda Xamar oo Xukuumaddeena ku dhaliishay (Heshiiska Dekedda Berbera) uu isagoon Xukuumadda Afhayeen u ahayn uu yidhi Arrinkaasi (Heshiiska Dekedda iyo Saldhigga Imaaraadka) waa arrin Xukuumadda, Xisbiyada, Baarlamaanka iyo Cid walba isku raacansan tahay, manay ahayn sidaa. Maalintaa ka dib waatii uu Guddoomiyaha Xisbigu Shirka jaraa’id qabtay, Aniguna waanigii faahfaahinta raaciyey ee aanu caddaynay in Mowqifka Xisbigu uu kii hore yahay.”

Xuseen Axmed Caydiid waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Somaliland geli karto Heshiis, balse ay diiddan yihiin sifaha loo maray heshiisyada DP World ee Maalgelinta Dekedda Berbera iyo saldhigga Imaaraadku ka samaysanayo Berbera “Annagu waanu caddaynay in Xukuumaddeenu awood u leedahay inay heshiis soo gasho, laakiin heshiisku sifo Sharci ah loo maro ayuu leeyahay, taas ayuun baanu ka hadlaynay, laakiin Haddii la leeyahay Xamar way diidday, idinkuna waad diiddeen ee ma isku mid-baan tihiin? Taas waa Su’aal kale, laakiin waxaanu ka hadlaynaa waxa weeye, waxa jira xeerka Maalgeshiga Somaliland, oo ay ku qoran tahay Cidda Maalgeshiga Waddanka lagu samaynayo qaabilsan marka laga reebo Shidaalka, laakiin Xukuumaddeenu Sharcigaa ma marin ee Dad aan kuwaa ahayn oo ama Safiirro ah ama Wasiirro ah ayaa waxaa waday (Heshiisyada), waxa kuwaa loogu gacan-geliyeyna waa in la qariyo, Annagu muhmalkaa iyo Qarsoodigaa ayaanu ka hadlayney oo aanu diiddanayn.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xamar hadday leedahay Annaga ayay naga tirsan tahay (Berbera) oo ma samayn karaan (Heshiis ma geli karaan) waa tooda oo Annagaaba u markhaati furayna (in Xukuumadda Somaliland heshiis gelio karto) oo leh way u leeyihiin (Awood ay heshiis ku geli karto), laakiin Ummadda ayaanu u tudhaynaa, heshiiskana in sifo sharci ah loo maro ayuun baanu doonaynaa, markaa in la isku kaayo xidho maaha. Xoghayaha guud-na isagoo taa khilaafay ayuu yidhi Xisbiyadu way ku raaceen (Xukuumadda) manay jirin, go’aannadii Xisbigana wuu ka soo horjeedsaday.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews