berberatoday.com
Wada-hadallo U Bilaabmay Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Saldhig Ciidan Ka Samaysanaya Somaliland
April 17, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo lala yeeshay Waraysi ku saabsan xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in xilligan ay Wada-hadallo toos ah u bilaabmeen labada Dawladood, kuwaasi oo la doonayo in lagu hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya.

Wasiirku wuxuu sheegay in aanay jirin Cid dhexdhexaadin ka dhex wadda Imaaraadka iyo Soomaaliya, balse ay socdaan Wada-hadallo u dhexeeya Madaxda sare ee labada Dawladood “’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socotaa ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa xumaaday markii Baarlamaanka Soomaaliya sheegay inuu Dalka ka mabnuucay Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Dekedda Berbera ee Somaliland isla-markaana Xukuumadda Soomaaliya ka soo horjeedsatay Saldhig Milletari oo Imaaraadku ka samaysanayo Somaliland.

Soomaaliya iyo Imaaraadka

Sidoo kale, xidhiidhka labada dhinac ayaa xumaaday ka dib markii Toddobaad ka hor Magaalada Muqdisho lagu qabtay Lacag Cadadkeeda lagu sheegay 9 Milyan oo Dollar, taasi oo Dawladda Soomaaliya shaki ka muujisay halka loo waday iyo waxa loogu talo-galay in lagu qabto, wallow Dawladda Imaaraadka Carabtu sheegtay in Lacagtani ahayd Mushaharka Ciidammo Soomaali ah oo ay Tababbar siiyaan.

Ka dib, khilaafkii Dawladaha Khaliijka Carabta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay go’aan dhexdhexaadnimo qaadatay oo aanay u xaglinayn Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo oo Imaaraadkuna ka mid yahay iyo Qadar oo dhinac ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews