berberatoday.com
Xildhibaan Rayte Oo Laba Farriimood Oo Kaaf Iyo Kala Dheeri Ah U Kala Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guddoomiye Cirro, Kana Hadlay Wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiyadaasi
April 16, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Axmed Rayte oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa aragti aad u kala fog ka bixiyay Wareejinta Gudoomiyenimada Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI oo maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay islamarkaana uu muran xooglihi ka aloosan yahay,Waxaa uu tilmaamay inaaanay khasab ku ahayn inuu Madaxweyne Muuse Biixi Wareejiyo Gudoomiyenimada KULMIYE,isagoo dhinaca kalena Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI u soo jeediyay inuu isagu wareejiyo Booska Gudoomiyaha Xisbigaasi,hoostana ka xariiqay inay sidaasi uga sharaf iyo karaamo badan tahay.
Xildhibaan Rayte oo Waraysi khaas ah siiyay Wariye Nuradiin Col-ujoog oo ka tirsan Telefishanka Eryal ayaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyenimada Kulmiye Waxaana uu yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi maaha Madaxweyne Siilaanyo, Madaxweyne Siilaanyo isaga ayaa gaadhay go’aanka ah inuu Gudoomiye ku xigeenkiisa ku wareejiyo,Waajib sharci ma ahayn,imikana maaha,waxay ku xidhan tahay wada hadalkii ay wada hadleen Muuse iyo Siilaanyo,Taasi ayay ka dhalatay inuu iska wareejiyo oo uu awoodiisa Madaxweynenimada ku ekeeyo,imikana Khasab maaha in Go’aankii Madaxweynihii hore gaadhay uu Madaxweynahanna gaadho,duruufuhu way kala duwanaan karaan,Talaabooyinka ay qaadayaan way kala duwanaan karaan,wax badan ayaa ka qayb ah,waxaan filayaa arintaasi waa mid Xisbiga Gudihiisa utaala”.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Muranka ka dhex aloosan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu muddo dheer ka tisanaa,waxa uu si gaar ah fariin ugu diray Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro,waxaana uu u soo jeediyay inuu dimuqraadiyadda Xisbiga Dhexdiisa ku illaaliyo,oo uu iska wareejiyo Gudoomiyenimada Xisbiga,Waxaana uu yidhi“Aniga waxay illa tahay Dimuqraadiyadda iyo Dhaqankan Cusub ee aynu wadno waxaa u wanaagsan Cabdiraxmaan Cirro maadaama oo uu doorashana uu soo galay,Wuu dhici lahaa ama wuu heli lahaaye,oo uu dhacay,inuu fursada cid kale u baneeyo,waa dhaqanka Umadda Dimuqraadiga ahi ay ku dhaqmaan meel kasta aduunyada”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Waxaan qabaa in Xisbiga WADDANI aad iyo aad u dadaalay,doorashadii,anigu waan joogay, Waan ka qayb galay ololihii,si wanaagsan oo aan ceeb lahayn ayuu Xisbigu u ololeeyay,hase yeeshee aakhirkii waxa la kala doortay Madaxweynaha hadda jooga iyo Gudoomiye Cirro, Codkiina waxa uu u batay Kulmiye,Markaa markasta marka uu Xisbigu dhaco eeda waxaa qaata oo ay tahay inuu dhabarka u rito Hogaamiyaha Xisbiga,Markaa waxaa la odhan karaa Xisigu ma dhicine Cabdiraxmaan ayaa dhacay,Markaa inuu Cid kale u baneeyo way u fiican tahay Xisbiga,oo uu Qof kale tijaabiyo Tartanka labaad,isaga Gudoomiye Cirro-na way u fiican taha sidaasi”.ayuu hadalkiisa ku koobay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews