berberatoday.com
Wasiir U Doodayay In Maalgashi Lagu Sameeyo Waddooyinka Dadku Baaskiilada Ku Kaxaystaan Oo Baaskiilkiisii Laga Xaday!!
April 16, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyada oo dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika dadweynuhu aad u isticmaalaan mootooyinka la kiraysto ee dadka qaada ayaa waxa isa soo tarayta khataraha dadku kala kulmaan mootooyinkaasi oo ragga wadaa ay in badan dhibaatooyin gaystaan gaar ahaan haweenka oo ah kuwa ugu nugul ee dhibaatadu ku qabsato isticmaalka Mootooyinka dadku gaadiid ahaan u kiraystaan.
Dalal badan oo Afrikaan ah ayay dadku subaxdii ku adeegsi tagaan ama shaqooyinkooda u raacaan Mootooyinka labada lugood ee kali ah leh oo qaadi kara hal qof ama laba qof ugu badnaan waxaana dhacda in dad badani dhibaatooyin kala kulmaan isticmaalka mootooyinkaasi waxaana dhawaan la soo saaray liiska dalalka ugu khatar badab ee dadku dhibaatada kala kulmaan isticmaalka Mootooyinka waxaana daraasado lagu sameeyey arrinkan lagu ogaaday in dalka Malawi uu noqday kan ugu khatarta badan ee dadka mootooyinka isticmaalaa ku nool yihiin.
Dalalka Malawi, Kenya iyo Koonfur Afrika waxa ay noqdeen dalalka ugu khatarta badan ee Mootooyinka lagu kaxaysto, sidaa waxa lagu sheegay daraasad ay Qaramada Midoobay ku samaysay shilalka gaadiidka ee dhaca sannad walba dunidana ka dhaca gaar ahaan shilalka ay keenaan gaadiidka iyo mootooyinku waxaana shilalkaasi ku jira oo kale gabood fallada ay sameeyaan ragga ku shaqaysta mootooyinkaasi.
1.3 milayn ee qof ayaa la sheegaa in ay sannad walba ugu dhintaan shilalka gaadiidka ee dhaca boqolkiiba 49 ayaa ah dad lugaynaya kuwo baaskiillo ama mootooyin wata iyo kuwa. Ayay warbixintan oo ay soo saartay hay’adda UNEP ku sheegtay.
Daraasadda arrintan lagu sameeyey ayaa waxa lagu sheegay in: waddanka Malawi 49% dadka shilalka ku dhintaa ay dhan yihiin 14-17% waana kuwa lugeeya halka kuwa baaskiilladaha wataa ay intaasi ka sii badan yihiin.
Waddanka Kenya 47% dadka shilalka ku dhintaa waa kuwa lugeeya halka 14% kuwa baaskiillada ama mootooyinka wataa ka yihiin kuwa shilalka ugu badan ku dhinta. Hddii aynu eegno waddanka Koonfur Afrika dadka shilalka ku dhintaa waxa ay dhan yihiin 50% ay ka yihiin dadka lugeeya halka 3% ay yihiin dadka ku dhinta shilalka iyaga oo mootooyin ama baaskiilado wata.
Waddanka Kenya ayaa isagu waxa uu noqday waddanka dhibaatada ugu badan ay haweenku kala kulmaan isticmaalka mootooyinka waxaana la sheegaa in sannad walba kumannaan kiis oo kufsi iyo xad-gudubyo dhinaca jinsiga ahi ka dhacaan Mootooyinka haweenka isticmaala oo ay waliba kula kacaan ragga daralwada la ah mootooyinku waxaanay dawladdu dhawaan shaacisay nidaam ay doonayso in ay ku yarayso xad-gudubyada ay haweenka u gaystaan ragga mootooyinka ku shaqaystaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews