Maraykanka Iyo Xulafadiisa Oo Duqeymo Ka Bilaabay Suuriya Iyo Ruushka Oo Daawanaya
April 15, 2018 - Written by Berbera Today
Suuriya(Berberatoday.com)-Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha dalka Suuriya.
Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana sidoo kale la arkay uuro iyo qaac ka baxaya halka uu weerarka ka dhacay.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka, waxaana Trump uu intaa raaciyay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay hore ugu diyaar garoobeen ficil ka dhan ah dowladda Suuriya, si loo joojiyo hubka kiimikada ee la sheegay inay Dadka u adeegsatay.