berberatoday.com
Berbera: Wasiir Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed Oo Dhaqaale Loogu Talo-Galay In Beeraha Loogu Qodo Beeralayda Dan-Yarta Ah Ku Wareejiyey Maamulka Saaxil
April 15, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa dhaqaale loogu talo galay in beeraha loogu qodo beeralayda Gobolka Saaxil ku wareejiyey Badhasaabka Gobolka iyo isuduwaha wasaaradda Beeraha ee Gobolka Saaxil.

1

Wasiirka oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhaqaaleloogu talo galay in 270 Qoys oo qoyskiiba loo qodayo Sadex saacadood ku wareejinayaan masuuliyiinta gobolka Saaxil, waxaanu yidhi isaga oo wasiirku arrimahaasi ka hadlaya “Mudane Guddoomiye waxaan halkan idiinku wareejinaynaa dhaqaale loogu talo galay in 270 Qoys oo ka mid ah beeralayda gobolka Saaxil beero loogu qodo, waxaanan rajaynaynaa in aad arintaasi si fiican uga soo bixi doontaan, waxaanu dhaqaalahani yahay dhaqaalihii ay soo ururiyeen guddidii ka soo kabashada abaaraha ee bulshada Somaliland laga soo ururiyey”.

30706153_2153433121339886_1823906446916452352_n

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Eng Axmed Faarax Oo isna madaashaasi ka hadlay ayaa waxa uu balan qaaday inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii hawshaasi beeralaydii loogu talo galay u gaadhi lahayd, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dhaqaalahan loogu talo galay in beeralayda qodaal loogu sameeyo waxaanu ka hawl gali doonaa in sida ugu dhakhsaha badan beeraha loogu qodo beeralaydii loogu talo galay”

30710529_2153432471339951_3390749209857622016_n

Isuduwaha Gobolka Saaxil ee Wasaaradda Horumarinta beeraha Maxamed Jaamac iyo Xoghayaha Gobolka Saaxil ayaa iyaguna tilmaamay muhiimada hawshan leedahay, waxaanay balan qaadeen inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii beeralaydii loogu talo galay beeraha loogu qodi lahaa. 

Wasiirka ayaa dhaqaalahan Beeralayda loogu talo galay hore ugu soo wareejiyey masuuliyiinta Gobolada Sool, Sanaag, Saraar iyo Togdheer.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews