berberatoday.com
Gudida Sicir Bararka Oo Ka Diiday Telesom Inay Suuqa Ka Saarto Sariflayaasha; Telesom Umay Baran In Wax Laga Diido
March 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudida la dagaalanka sicir bararka ee Madaxwayne Muse Bixi sameeyay ayaa maanta mar labaad ku celiyay digniin ay siiyeen shirkadaha Zaadka iyo eDahab. Gudidu waxay hore ugu dhowaaqday in aan wax ka yar boqol dollar aan lagu isticmaali karin Zaadka marka laga bilaabo bisha March 13keeda (oo laba casho inaga xigto). Markii dawladu ay ku dhowaaqday arrinkan ayaa shirkada Zaadku waxay samaysay in ay dadka ku tidhaahdo lacag dollar ah ku shubta Zaadka, ka dibna Zaadka ayaa dollarka sarifay oo macaamiisha siinaya Shillinka Somaliland si ay wax ugu iibsadaan. Arrinkan oo diidmo qayaxan ku noqonayaa amarkii dawlada. TELSOM waxay markaa noqotay sariflihii ugu waynaa wadanka, sariflayaashii oo dhana way wada kacayaan waayo lama tartami karaan TELSOM. Sidaasaa maanta dawladu mar labaad ugu dhowaaqday iyada oo ka diiday TELSOM inay noqoto Sariflaha waddanka ugu wayn oo ay meesha ka saarto dhamaan sariflayaasha Somaliland oo dhan. Jariidada Badhtamahu way ku hambalyaynaynaa dawlada inay difaacday dan yarta iyo dhamaan sariflayaasha Somaliland oo dhan.

 

Maanta gudida la dagaalanka sicir bararka waxay kale oo ku dhowaaqeen si ay u xakameeyaan Zaadka; in aan shirkada Zaadka iyo eDahab lagu shubin dollar ee lagu shubo shillinka Somaliland oo keliya, iyo inaan Zaadka loo ogolayn in ay noqdaan sarifle way oo ay dollarka ku sarifaan shillinka Somaliland. Hadalka maanta dawladu ku dhowaaqday ayaa nuxurkiisu wuxu ahaa in Zaadka aan loo ogolayn inay noqdaan sarifka oo systemka Zaadka lagu sarifin dollar. Goaankanu wuxu badbaadinayaa dhamaan Sariflayaasha Somaliland oo maanta dawladu badbaadisay, haddii kale Zaadka ayaa dhamaantoodba suuqa ka saari lahaa.

Jariidada Badhtamaha waxay dawlada kula dhiirigelinaysaa marka arrinkanu dhaqan galo in mar labaad lagu xigsiiyo (1) in la dhaqan geliyo sharcigii Bangiga Dhexe, (2) waddanka loo sameeyo Bangiga Ganacsiga iyo (3) in dhamaanba laga mamnuuco Zaadka iyo eDahab in ay dollar  wax lagu iibsado xataa wixii ka badan boqol dollar la mamnuuco (4) in shirkada Zaadka iyo eDahab ay xad u sameeyaan lacagta maalintii qofku ku isticmaali karo Zaadka iyo (5) in shirkadaha TELSOM iyo Dahabshiil ay bangiga dhexe ku shubaan lacag u dhiganta lacagta shicibka Somaliland ay dhigtaan bangiyadooda, lacagtaa deebaaji ah oo noqon doonta mid lagu illaaliyo hantida shicibka Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews