berberatoday.com
Wasiir Muumin Oo Socdaal Ku Soo Maray Deegaano Hoos Taga Degmada Daarasalaam, Bulshadana Ku Booriyey Inay Roobka Ka Faa’iidaystaan
March 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan xili roobaadka, isla markaana la yimaadaan wax soo saar dhanka beeraha ah, waxaanu sidan ku sheegay socdaal uu hoggaaminayey oo Wefti ka soda Wasaaradda Horumarinta Beeraha ku tageen Deegaanada Biyo Shiinaha, Aneeya, Maluugta iyo Horihaadlay oo hoos yimaada Degmada Daarasalaam.

Weftigan oo uu wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Xildhibaan Xasan Shahar oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Mudane C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe, Agaasime waaxeedyo wasaaradda ka tirsan iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka oo dadka deegaanka Khudbado u jeediyey ayaa waxa uu sheegay in ujeedada safarkoodu tahay u kuur galka iyo dhiriigalinta beeralayda si loo dar dar galiyo wax soo saarka dhanka beeraha.

Wasiirka oo khudbad u jeediyey dadka deegaanka Maluugta ayaa waxa uu yidhi “Socodkayagu waxa uu ku wajahan yahay u kuur galida xaalada beeralayda oo sidaad ogtihiin roobkii ayaa inoo bilaabmay waa inaynu wax qabsanaa oo aynu beeraha u jeedsanaa, waxaananu wadnaa qorshe ah sidii biyaha socda u qabsan lahayn oo sidaad la sooctaan madaxweynuhu waxa uu ahmiyada koowaad siiyey wax soo saarka, markaa sidaa daraadeed waa inaynu wax soo saar la nimaadnaa”.

DSC_0091

Wasiirka oo dadweynaha reer Horihaadlay khudbad u jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in biyaha la qabsado, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaynu u baahanahay inaynu roobka ka faa’iidaysano oo biyaha qabsano waxna kula soo baxno”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isna goobta khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax soo saarka loo jeedsado, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Annagu wasaarad ahaan waxaanu u soconaa inaanu dadka la fadhiisano, waxaana muhiima inaynu iskaashano oo wax soo saar la nimaadno”.

Guddoomiyihii hore ee garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye ayaa masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha ku amaantay sida ay ugu dedaalayaan kobcinta wax soo saarka.

Xildhibaan Cali Gabiley oo wakiilada ka tirsan, Xildhibaan Xasan Shahar oo isna Golaha Deegaanka Hargeysa ka tirsan, Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdirisaaq Gaboobe iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay tilmaameen in loo baahan yahay in wax soo saar lala yimaado.

Sidoo kale khubarada Wasaaradda horumarinta beeraha ayaa beeralayda u sharxay nidaam loola dagaalamo cayayaanka ku dhasha beeraha siiba tamaandhada, waxaanay tuseen sida ugu haboon ee loola dagaalami karo

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews