berberatoday.com
Madasha Wada-tashiga oo Ku Baaqay in la Caddeeyo Madmadaw ka Muuqda Heshiiska 3-geesoodka ah ee Dekedda iyo Dalku-galka ay Somaliland ka Guurayso
March 9, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiinta Prof: Cabdisalaan Yaasiin iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ka wada tirsan Golaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Somaliland, ayaa ku baaqay in la caddeeyo Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee ay kawdii bishan magaalada Dubai ku kala saxexdeen Dawladaha Itoobiya, Somaliland iyo Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World oo sannad ka hor Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo ku wareejiyey Maamulka Dekeddaas.

Heshiiska ayey Xubnahani sheegeen in madmadaw badani ka muuqdo, haseyeeshee loo baahan yahay Heshiisyada caalamiga ah ee kani ka mid yahay iyo maalgelin inay hesho Somaliland, balse Jidadka Sharci in la mariyo loo baahan yahay, isla markaana aan kooxo gaar ahi isku koobin heshiiskaas.

Waxay Maxamed Xaashi iyo Cabdisalaan Yaasiin sidaa ku sheegeen mar ay la hadlayeen TV-yada SOMNEWS IYO SBC oo Weriyeyaal ka tirsani kula kulmeen Hargeysa, waxaanannu qodobbadaas iyo qodobbo la xidhiidha Sicir-bararka oo ay tilmaameen inay dawladdu Masuul ka tahay iyo Furaha Dal-ku-soo-gelidda ee Taleefannada oo ay Xukuumadda Somaliland diyaarinayso inay ka wareegto Furaha ay la wadaagi jirtay Soomaaliya ee 00252, doonaysana inay si ku-meel-gaadh ah ugu wareegto ka Jabuuti ee 00253 oo uu Prof. Yaasiin ka jawaabay su’aal laga weydiiyey, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews