berberatoday.com
Booliiska Somaliland Oo Itoobiya U Gacan-geliyey Boqollaal Tahriibayaal Ah Oo La Qabtay Iyo Magafeyaashii Watay Oo La Maxkamadaynayo
March 7, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Dalka Itoobiya Dib ugu celiyey 241 Tahriibayaal ah, kuwaasi oo lagu qabtay deegaan lagu Magacaabo Sheekh Waafi oo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex, halkaasi oo ay Magefayaal Soomaali ah ku ururiyeen.

Tahriibayaashan oo Ciidammada Booliiska Somaliland qabteen Shantii bishan March, 2018-ka ayaa dhammaantood ahaa Itoobiyaan doonayey inay galaan Tahriib dhinaca badda ah, balse Ciidamamda ayaa dib ugu celiyey Itoobiya oo ay u dhasheen, sidaana waxa sheegay Afhayeenka Ciidammada Booliiska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidammada Booliiska Somaliland, ahna Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Faysal Xiis Cilmi oo faahfaahinaya sida loo qabtay Tahriibayaasha reer Itoobiya ayaa yidhi “Shantii bishan Saddexaad Hawl-gallo Ciidammada Booliisku ka fuliyeen meesha la yidhaahdo Sheekh Waafi ka soo qabtay Dad Tahriibayaal ah oo dhan 241, kuwaasi oo iskugu jiray Rag iyo Dumar, Dadkaas badankoodu waxay u dhasheen Dalka Itoobiya.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in deegaanka Sheekh Waafi ee lagu qabtay Tahriibayaashu noqday deegaan Carqalad ah “Sheekh Waafi waxay noqotay meel carqalad ah oo lagu ururiyo Dadka Tahriibayaasha ah ka dibna laga kaxeeyo. Booliisku Dadkaa Tahriibayaasha ah waxay soo qabteen iyagoo goobta fadhiya, dhammaan Tahriibayaashii waxa dib loogu celiyey Dalka Itoobiya oo ah Dalkoodii.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in sidoo kale Ciidanku qab-qabteen Magafeyaashii doonayey inay Dadka la qabtay Tahriibiyaan, wallow aanu carrab-baa’bin Tiradooda “Magafeyaashii iyo Gaadiidkoodii Ciidanka Booliisku gacanta ayay ku hayaan, kuwa maqana Booliisku wuu aqoonsaday waana la raadinayaa. Nimankaa Magafeyaasha ahi waa niman Caadaystay oo shaqo ka dhigtay inay Dadka Tahriibayaan, hasa-ahaatee Gacan ayaa lagu qabtay waxaana dacwaddooda oo dhan loo gudbinayaa Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda awoodda u leh, annaga oo aan ka hor-dhacayn dambi baadhista socota.”

Afhayeenku wuxuu Dadweynaha ku dhaqan deegaanka lagu qabtay Tahriibayaasha ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidammada amniga “Dadweynaha ku nool meesha la yidhaahdo Sheekh Waafi waxaanu ka codsanaynaa inay Booliiska la shaqeeyaan oo ay soo sheegaan wixii soo gala, kana fogaadaan waxyaabaha Sharci-darrada ah ee Tahriibinta ah, kaasi oo ah dambi aad iyo aad u fool xun.”ayuu yidhi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews