berberatoday.com
Hal Xidhaalayaasha Horyaala Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Cabdi Iyo Dooda Bulshada Ee Ku Saabsan Waxa Uu Ka Yeelayo Wasiirada Aan Xilka Ka Degin Intii Uu Siilaanyo Hogaanka Dalka Hayay
December 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo ay Laba Todobaad iyo Maalmo inaga Xigaan Wakhtiga u qoondaysan inuu xilka la wareego Madaxweynaha Cusub ee dhawaan shacabku doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi,islamarkaana uu hadda ku mashquulsan yahay sii xulista Golihiisa Xukuumadda ayaa waxa isasoo taraya Warar iyo faaqidadaada ku saabsan waxa uu ka yeelayo golahan Wasiiradda ah ee Xukuumadda Kulmiye ka kooban ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku wareejinayo iyo Tirada uu kala hadhayo.

Wararkan ayaa hoosta ka xariiqaya in Caqabadaha ugu culus ee Madaxweyne Muuse Biixi horyaalaa ay ugu horeeyaan waxa uu ka yeelayo Afarta Wasiir ee ay Isku haybta yihiin Madaxweynaha Xilka ka degaya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo dhawr wasiir oo kale oo aad u awood badan,kuwaasi oo muda xileedkiisa intii uu hogaanka dalka hayay Siilaanyo marna aan ka degin,balse la dhamaystay,waxa ay inta badan bulshadu si weyn ugu foogan yihiin Afartaasi wasiir ee Bariga Burco ka soo jeeda oo sida la ogyahay si balaadhan ula soo shaqeeyay ololihii Xisbiga Kulmiye iyadoo ay deegaamadooduna si weyn ugu codeeyeen Xisbiga Kulmiye, waxaanay badi Bulshadu ka dhursugayaan Qaabka uu Madaxweynaha Cusub ee la doortay uga dabaalan doono Caqabadahaasi iyo kuwa kale oo isbarkan kuwaasi oo saamayn Siyaasadeeda oo culus leh.Wasiiradan ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Maxamed Xasan(Mareexaan),Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, iyo sidoo kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Kuwaasi oo aan marnaba ka dhaadhicin kuraasta islamarkaana la dhamaystay Madaxweyne Siilaanyo mudo xileedkiisa,awood badana ku lahaa Xukuumadda xilka ka degaysa.

Marka loo eego Gurfaynta Bulshada iyo aragtiyaha Wasiiradani ku saabsan ee ay Bulshadu wax iska waydiinayso iyo Doodaha ay isku waydaarsanayaan Xidhiidhka Baraha Bulshada ee ku saabsan Afartan wasiir ee isku haybta ah iyo Wasiiraddan kale ee wakhtiga dheer ku fadhiyay Kuraasta,waxa loo arkaa arintani caqabadaha ugu miisaanka Culus ee horyaala Madaxweyne Muuse Biixi,inkasta oo ay inta Badan bulshadu u aragto islamarkaana ku amaanayso Madaxweynaha la doortay inay la fududahay sida uu uga gudbi karo arimahani, Marka loo eego Waxa ay bulshadu ka aaminsan tahay Shaqsiyada hogaamineed ee Madaxweynaha la doortay oo badi bulshadu u aragto ama aaminsan tahay inuu yahay Hogamiye Go’aan leh oo aan labac labac iyo laba boglayn go’aan aan lagu ogayn,waxaanay dadka Qaar aaminsan yihiin inay sax tahay inuu intooda badan ka tago ama uu mid iyo laba ka reebo,si uu fursad u siiyo kuwa kale ama u qaranka ugu shubo dhiig cusub oo bulshadu u haraan tahay.
Hadaba Warar hoose oo Wargeyska Foore ka helay Wasiiraddani ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ahi aanay jeclaynba inay soo noqdaan halka kuwa kalena doonayaan inay ka sii mid ahaadaan Xukuumadda Labaad ee Xisbiga Kulmiye ee uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxaana sidoo kale jirta Qorshe u gaar ah Madaxweynaha la doortay oo uu ku waajahayo gaar ahaan afartaasi wasiir ee ay isku haybta yihiin Madaxweynaha hore iyo guud ahaan Xukuumaddaasi hore ee uu ka tagayo Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,iyadoo inta badan xogaha naga soo gaadhayaa ay sheegayaan inay yar tahay Tirada uu kala hadhayo Xukuumaddaasi islamarkaana uu doonayo inuu soo dhiso Xukuumad Indhaha Bulshadda Ku Cusub oo heer aqooneed iyo firfircooni lagu soo xulay.
Dhinaca kale waxa jira Masuul kale oo isna Awood badan ku lahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana ka mid ahaa Qoyska reer Axmed Siilaanyo,Waa Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imraatka Carabta Baashe Cawil,Waana masuul aad u firfircoon, islamarkaana horseed u ahaa Maalgashiga Shirkada Dp-World ay kula wareegtay Dekeda Berbera,waxa si weyn loo hadal hayaa in masuulkani uu ka mid noqon karo Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi,waxaana si weyn Masuulkan isha ugu haya Bulshada Somaliland oo faaqidaad iyo gorfayn badan ku ahaya halka uu saldhigan doono.

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews