berberatoday.com
Fadeexad Ka Taagan Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland + Shaqaale Hoosaadkii Wasaaradda Iyo Agaasimaha Guud Oo Isku Haysta Lacag Baanka Dhexe Taala
December 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeys(Berberatoday.com)-Dhacdo cajiib ah ayaa maalmihii u danbeeyey ka taagnayd wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland,taas oo ka dib markii uu Baanka dhexe ee Somaliland ku wargeliyey masuuliyiinta xafiisyada xidhiidhada ciyaaraha kala duwan ee wasaaraddda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo lacag mushahar 9 bilood ah u doontay baanka dhexe ee Somaliland loo sheegay in laga jarayo lacag dayn ah oo uu Baanka ku leeyahay wasaaradda,taas oo sida ay sheegeen ay kasii amaahdeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda Ciyaaruhu .

Image result for wasaarada ciyaaraha somaliland

 

 

Arrinkan ayaa shalay buuq iyo sawaxan xoogan ka dhex abuuray wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha,sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda .

Wasaaradda maaliyadda ayaa mushahar 9 bilood ah waxay usii daysay shaqaale hoosaadka xafiiska xidhiidhida ciyaaraha kala duwan ee wasaarada ciyaaraha oo ay ka maqan yihiin 11 Bilood oo mushahar ah,waxaana ay wararku sheegayaan in markii lacagtaasi baanka gaadhay ee ay doonteen gudoomiyayaasha xafiiska xidhiidhada ciyaaruhu in maamulaha baanka dhexe ku wargaliyey in lacagtaasi lagu shubay akoonka wasaaradda,isla markaana laga jarayo lacag dayn ah oo 190 Milyan gaadhaysa oo ay kasii qaateen masuuliyiinta ugu saraysay wasaaradda ciyaaruhu,iyada oo sida la sheegay uu lacagtaasi gacantiisa kaga qaaday baanka agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye).

Wararkan ayaa intaasi ku daray in lacagtaasi daynta ah ee ay amaahdeen madaxda wasaaradu ay kaliftay kadib markii uu madaxwayne Siilaanyo ka joojiyay dhamaan hay’adaha dawlada kharashaadkii kale ee lagu dhex qarin jiray lacagaha xad dhaafka ah ee sifaha dahsoon loo isticmaali jiray ama loo lunsan jiray,waxaana ay keentay in baanku markii uu garan waayay si kale oo uu uga qaado lacagtaasi daynta ah ee badan ee ay qaateen masuuliyiinta sare ee agaasimaha guud iyo wasiirka ciyaaruhu inay dhexda u galaan lacag dirqi loogu soo daayay shaqaale hoosaadka xafiiska xidhiidhada kala duwan ee wasaarada ciyaaraha oo muddo sanad ah bilaa mushahar ahaa,waxaana shalay ay arrintan ka abuurta wasaaradda ciyaaraha buuq iyo sawaxan ay sameeyeen shaqaalahan lacagtooda loo sheegay in laga jarayo dayn ay qaateen hogaanka wasaaraddu.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews