berberatoday.com
Istiqaallad Sii Hurisay Duufaannada Ku Kacsan Dawladda Itoobiya Oo Uu Shalay Ku Dhawaaqay Guddoomiyihii Aqalka Baarlamaanka Federaalka Ah Ee Dalkaasi
October 9, 2017 - Written by Berbera Today

 

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, ayaa shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas, ka dib markii uu ka cadhooday sida ay dawladda dhexe ee Itoobiya uga jawaabtay Codaaladdii dhawaan dhex-martay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya markii ay Oromadu dileen 43 Ruux oo Soomaali ah, sida ay Baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta Itoobiya. Warbaahinta Addis Standard, Addisfortune.net iyo Kuwo kale oo ka hawlgala Itoobiya, ayaa baahiyey Sabtidii shalay  inuu Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Warqadda uu isku casilay u gudbiyey Golaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya. Waxay Warbaahinta kala duwan ee Warkan baahisay intaas ku dartay oo ay sheegtay in Xogo lagu kalsoon yahay oo laga helay sababta uu isu casilay Abadula Gemeda ay la xidhiidho dhibaatada ka dhex taagan Ismaamullada Killalada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan qaabka ay dawladda dhexe uga jawaabtay dilkii ay Oromadu u geysteen Soomaalida, oo ay Warbaahinta Oromadu ku eedaysay inay Ciidammada Federaalku dhirbaaxo kulul ku dhufteen Oromada.  Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, oo qowmiyada oromada kasoo jeeda waxaa uu xilkan hayay tan iyo2010-kii  isaga oo kasoo jeeda xisbiga OPDP [Oromo Peoples’ Democratic Organization]. Siyaasigan ayaa ka hor intii aanu noqon guddoomiyaha golaha wakiillada eedalkaasi waxaa uu mar xukumi jiray oo uu madaxweyne u ahaa ismaamulka qowmiyada Oromiya, xilkaas hortiina waxaa uu noqday wasiirka difaaca ee ismaamulka qowmiyadaas.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews