berberatoday.com
Baankii Dhexe Ee Qaranka Somaliland Oo Haawanaya Iyo Meehanowga Dadka Jeegaga Sita + Madh-Naanta Qasnadaha Baanka.
October 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar iyo xogo rasmi ah, ayaa sheegaya inuu Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland uu haawanayo,isla markaana aana jirin wax lacag ah oo taal, iyadoo ay qasnadihii kayd-ka Lacagaha ee Baanka ay gebi ahaaba faaruq-yihiin.

Illo wareed-yada aanu warkan ka helnay ayaa intaasi ku daray in maal-mihii u danbeeyey ay Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland ku noq-noqnayaan dad site Jeegaga, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xubno ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland, iyadoo ay shaqalaaha Baanku ku wargelinayeen Dadkaa iyo masuuliyiinyaa lacagta ka doonaya in aanay jirin wax Lacag ah oo taal Baanka, waxaanay ka codsanayeen in ay mar kale kusoo laabtaan, taasi oo ay xusid mudan-tahay in ilaa maanta iyo maalihii aynu soo dhaafnay ay dul-meehanaabayaan Baanka masuuliyiin iyo dad Jeegag sita oo Lacago biilal u badan ka doonaya Baanka.

Image result for Baanka Dhexe Ee Somaliland

 

 

Ma Jiro war Rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland oo ku aadan amuurtaasi, marka laga yimaado xogahaasi aanu ka soo xiganay illo wareed-yo rasmi ah, kuwaas oo xusay in todobaad-yadii u dameeyey uu haawanaya Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland oo aanay jirin haba-yareetee wax lacag ah oo taal.

Doc-da kalena shaqaalaha ha’yaddaha dowlada qaarkood ayaan qaadan wax guno ah bishan, taasi oo loo sibir saarayo lacagtii Baanka oo la faaruqiyey, iyadoo la sheegay in kaashii dollara lagu bedelay, isla markaana la doonayo in kaan-baynka KULMIYE lagu galo, waxaase laga casbi qabaa in Bishan hadda curatey dhammaadkeeda aanay helay shaqalaaha dowlada iyo ciidamadu wax-mushahar ah.

Si Kastaba xaalku ha-ahaadee Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland, ayaa haawanay mana jirto wax Lacag ah oo taal,waxaana xusid mudan in wixii kusoo dhacaba markiiba laga saarayo.

 

 

Source:- Yool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews