berberatoday.com
Waa Sidee Xaalka Dekada Berbera, Muxuuse Soo Kordhiyay Maareeyihii Cusbaa
October 5, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Shirkada Caebeed Ee Dupai Ports[ Dp World] Waxaa Saami Ahaan Lookala qaatay Sida La Shaaciyay 65% In Dp World Leedahay, Halka Somaliland na Aay Yeelan Doonto 35%, Inkastoo Heshiis Hoose Oo La Qarinayy Mar danbe Soo Baxay Kaa Oo Dhigaya in Wadanka Ethiopia Oo Ah Wadanka  Laga Rabo Mac Miisha Uwayn In Uu U Noqdo Dekada Berbera La Sheegay In Laga Siiyay 19% Macaashka Kasoo Baxi Doona Dekada Berbera,

Hadaba waxaa Iswaydiin Leh Maamulka Dekada Berbera waxaa Isku Koobay Shirkada Dp World Oo Wax Talo iyo Arin Ah kama war galiyaan Madaxda Somaliland Ee Sare iyo Maareeyaha Dawlada Uga Masuulka ah Dhaq Dhaqaaqa Dekada Berbera,

Dhawaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Mudo Bil Laga Joogo Wuxuu Usoo Magacaabay Maareeye Cusub Dekada Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi Oo Maalintii Berbera Lagusoo Dhaweeyay, Malintii Ku Xigtayba U Duulay Dalka Emaaraaddka Carabta Isagoon Wax Xoga Ka Hellin Mushkiladihii iyo Cabasahadii Ganacsatada Shaqo Xumidii Shirkada Dp World Ay Ku Haysay Dadkii Macmiilka U Ahaa Dekada Berbera,

Waxaanu ka Qayb Galay Shir Aay Joogeen Masuuliyiintii Somaliland Ugu Tunka waynaa , Sida Maxamuud Xaashi, Samsam Cabdi Aadan, Sacad Cali Shire, Wasiir Qabyo Tire, Safiir Bashe Morgan, Iyadoo Dhanka Kalena Ay fadhiyeen Maamulka Ugu Sareeyay Shirkadan Dp World ,

Dabcana Shirkan Waxaa Lagu Casuumay Sadexda Gudoomiye Xisbi Ee Somaliland, Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali waraabe, Waxaase Shirkaasi Diiday Oo Aan Ka Qayb Galin Gudoomiye Mushrax Cabdiraxmaan Cirro Inkastoo Aanu Shaacin sababta Uu Ku Diiday, Waxaase wararka Xog Ogalka ahi Sheegaan Intii Shirku Socday in Sababta sadexdaa Gudoomiye Aay Dp World U Casuuntay Ahayd Maadaama dalku Doorashooyin Galayo In Ay Damaanad ka Hesho Xisbigii Soo Baxaba Sidii Heshiiskka Aay la Gashay Xukuumada Iminka talada Kasii Degaysaa Halkiisii Uga Sii Socon lahaa,

Laakiin Xogo Kale Ayaa Tibaaxaya In Musharax Cabdiraxman Cirro Sababta uu Uga Baaqday Ahayd In Uu Isagu Xiligii Uu Ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka  Dhanka kalena Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga wadani Uu Wax ka Saxeexay Heshiiskii Lagu Kireeyay Dekada Berbera Markaa Aan Iminka Looga Baahnayan saxeex kale,

Taana Lagu Qanciyay Madaxdii Shirkada Dp World Ee Shirka Qabatay,

Shirkan Oo Nuxurkiisa Lagu Sheegay Dar dar galinta Heshiiskii La Galay iyo waxyaabaha Hortaagan Sidii Loo Furdaamin Lahaa talada Ay kaligaeed Shirkadani Isugu Koobtay Maamulkii Dekada Berbera, iyo Waxyaabaha sababay Shaqadii iyo Adeegii Dekada Oo Hoos U Dhacay,

Hadaba Maareeyihii Cusbaa Ee Loo Soo Magacaabay Sixida Maamulka Dekada iyo Waxyaabaha Ismaandhaafka Ku Keenay Macaamiisha Dekada iyo Shirkadan Dp World Ayaan Illaa Iminka Mar kaliya La Arag Arin Uu Furdaamiyay Ama Wax Uu ka Qabtay Cabashadii Ganacstada ,Xataa lama Sheegin Shirar Uu la Qaatay Gancstada ,

Inkastoo Madaxtooyada Somaliland Xalisay Caqabadihii Xiligan taagnaa Sida Agabkii Save tiga Taas Oo Lagu Qanciyay Mamulka Shirkada In Ay Mudo Labo Bilooda Dib U Dhigto, Macnaheeduna Noqonayo Intaa Doorashada Ka Hadhay Mushkiladeeda na Dhaafiya oo Marka Xukuumad Cusubi Timado Shuruucdiina wata,

Gobo Gabadii Mareeyaha Cusub Ee Dekada Berbera Markii Lasoo Dhaweeyay iyo Maalintii Uu Xilka la wareegayba Wuxuu balan Qaaday Wali Muu Fulin ,

Shacabka Berbera Oo Si Diiran usoo Dhaweeyayna Maay Arag Fir Fircoonidii iyo Bulshaawo,nimadii Lagu Sheegay In Uu Shaqada iyo Ganacstadaba Isku wadi Doono ,

Dadka Qaarkoodna waxaabay Qabaan In Aanu wali Laabta Usii Dayn Xilkan Loo Magacaabay Ee Culus Maadaama Aanu Magaalada wali Si Rasmiya U Dagin Oo Uu U Dhexeeyo Hargaysa iyo Berbera,

 

Xigasho Biyoguurenews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews