berberatoday.com
Madaxweyne Kuxigeenka Putland Ahna Kusimaha Madaxweynaha Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Taageeray Dhiibistii Cabdikariin Dhagax
September 13, 2017 - Written by Berbera Today

Garowe(Berberatoday.com)-Madaxwayne ku xigenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa xilkii ka qaaday Wasiiru dowlihii Madaxtoyada ee xidhiidhka Golbolada Bashiir Gurxan Sida Ku cad Wareegto Madaxweyne oo kasoo Baxaday Xafiiska Madaxtooyada Putland oo uu Ku saxeexanyahay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Putland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey.

Xilka qaadista Wasiir bashiir ayaa imanaysa maalin ka dib markii uu warbaahinta ka sheegay in Puntland taageersantahay go’aankii Qalbi dhagax Ethiopia loogu dhiibay waxaana hadalkiisa iyo xil ka qaadistuba imanayaan isagoo muqdisho ku maqan.

Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland ee Xidhiidhka Gobollada, Bashiir Gurxan ayaa xalay Ku qoray War ah inuu taageersanyahay dhiibistii Qalbi-Dhagax Taaso oo Madaxtooyada Putland ku eedaysay inuu ku kacay Talaabo guracan oo ka hor imanaysa haykalka dawladnimo.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland, Eng Camey ayaa xilka looga qaaday Wasiir Bashiir Gurxan oo lagu eedeyay hab dhaqan lidi ku ah hanaanka Dowladdnimo.

Wareegtadu waxay u qorneyd sidan:

“Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19 September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday: Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

Wuxuu Xeeriyey:

1-Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

2-Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku”

 

Mohamed Said Yuusuf 

Garowe/Putland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews