berberatoday.com
WAAD DAAHDEEN MAAHA INAY KU MUTAYSTAAN IN INDHAHA LAGA TUURO. W/Q XAMSE YUSUF XOORXOR
June 17, 2017 - Written by Berbera Today

Waxa laga yaaba ,dhacdo aad yaraysanaysoo in ay mar indhahaagu halacsadaan oo khatar,iyo dhaawac ku ah,nidaamka dawladeed Ee ay umadi dhigato,waxaad maalmahan arkayseen shaqaalaha dabdamiska oo waajibaadkoodi shaqo ku jira,in dhaawac iyo dhib lagaadhsiiyay,hada shaqadan ay ku jiraan waa shaqo ay khataro badan oo nafeed ku gadaamanyihiin,hadii ay tahay dhaawac ama dhimasho kasoo gaadha markay shaqdooda ku Guda jiraan,guriga oo ku duma ,dabka oo qabsada,jidka ay soo marayaan oo ay shil kugali karaan. Iyadoo intaaso dhibi jirto waxay ahayd inay bulshada kala kulmaan kacaltooyo iyo soo dhaween,iyo niyad wanaajin ka turjumaysa waanu idin ognahay halkaad bulshada gaga jirtaan.maadama dabku uu yahay wax khatar ku haya bulshada nolosheeda,weliba magaalada hargeysa ay u badantahay isku raran ,aan dhakhso loo mari karin wadooyinkeeda,hada waad daahdeen maaha inay ku mutaystaan in indhaha laga tuuro,waxa keeni karta daahista,habka wargalinta iyo sida loola xidhiidho,maadam oo ay tahay adeeg bulsho oo inagu cusub,waxaaba dhici karta in aan hore loola xidhiidhin,run ahaanti jidka hargeysa Ee aad aragteen sida uu yahay,iyo darawaliinta oon ku baraarugsanayn,ama aan aqoon badan u lahayn,in wadada loo baneeyo marka la maqlo dabdamiska oo fursad ay meeshi ku gaadhan lasiiyo,hada waxaba laga yaaba gaadhiga wadada u banayn lahaa inaanu haysanba meel uu ku leexdo cidhidhiga wadad awgeed,hadaba waxaan bulshada usoo jeedinaynaa,in shaqaalaha naftood hurayaasha ahi ay idinka baahanyihiin garab istaag iyo ixtiraam inaad u muujisaan,shaqaalaha madaxdoodana waxaanu usoo jeedinayna,oo weliba aanu isku dayi inaanu imeyl iyo tilafoonaba ku gaadhsiino,inay sameeyaan wacyigalin ay xaafadaha hargeysa dadka kula kulmayaan oo ay uga waramayaan shaqadan ay hayaan iyo khataraha kasoo gaadha,iyo inay iyaga u adeegaan,oo markasta naftooda u hibeynayaan sidii ay ubadbaadin lahaayeen,oo ay shaqaalaha ku daraan warbixiye,ama wacyi galiye bulshada,oo maalinba qaar u qabta siminaar ku saabsan waxtarkooda,iyo kaalinta muga leh Ee ay bulshada ugaga jiraan,si dadka iyo dhalinyaradu ay u ogadaan shaqada adag Ee ay umada u hayaan,dhankasta markaanu ka eegnay waxa meesha ka maqan in dadka labaro loogana sheekeyo shaqadan iyo muhiimadeeda,iyo khataraha shaqaalaha gaadha,iyo waxyaalaha daahista keena,waxaan kusoo gabagabaynaya,dawladnimadu waxay u baahantahay barasho iyo wacyi galin,waxaana leeyahay,shaqaalaha samra maalin aad bilado iyo geesiyaal aad noqon doontaan ayaa jiriye Ramadaan kariim

 

W/Q Hamse Yusuf Xoorxor

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews