berberatoday.com
AQRISO Waa kuma Ifraax iyo iimaan? Qormo qiiro leh oo aan ka diyaariyay Gabdhihii lagu dilay Muqdisho… Naxariiste hadii aad tahay u duceey
June 16, 2017 - Written by Berbera Today

AMuqdisho… Naxariiste hadii aad tahay u duceey

• Waa kuma Ifraax iyo iimaan oo la dilay?

Labo gabdhood oo walaalo ah ayey ahaayeen Ifraax oo jirta 18 sano iyo iimaan oo 15 sano jirta.

Waxa ay dagnaayeen degmada Hodan gaar ahaan xaafadda African Village.

Hal Iskuul ayey dhiganayaan, waana iskuulka SYL. Iftin dugsi sare ayey dhiganeeysay, halka iimaan ay fadhiday dugsi hoose Gareed 8

Qoyskooda wuxuu ka koobnaa 3 gabar oo iyaga ay ku jiraan iyo wiil yar iyo hooyadood. Aabaha dhalay gabdhaha la dilay wuu geeriyooday sanado ka hor.

• Pizza House maxey u tageen?

Sadaxda gabdhood ee walaalaha ah ayaa sagootinayay gabar saxibtood ah, waxayna rabeen in ay sawiro kusoo galaan maqaayada, sidoo kalana waxoogaa ku yara nastaan

• Goormee ayey baxeen?

Afurka kadib 18:40 daqiiqo ayey guriga ka baxeen, iyagoo isla markaas gaaray maqaayada. Waxey dalbadeen cabitaano fudud, iyagoo durba bilaabay in ay waqi la qaataan saxibtood oo safar ahayd

• Kadib Maxaa Dhacay?

Sadaxda gabdhood iyo saxibtood oo sawiro iska qaaday ayaa halmar qarax weyn wuxuu ka dhacay irida hore ee Pizza House kadibna rag hubeeysan ayaa gudaha u galay maqaayadda

Wixii markaas dhacay lama sheegi karo lakin dhibaatada dhacday waxaa ku geeriyooday ifraax iy iimaan, waxaana dhaawac uu soo gaaray gabadha kale ee reerka u weyneed iyo saxibtood.

• Ifraax iyo Iimaan Maxey u geeriyoodeen?

Maamada reerka oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijisay in la toogtay oo xabado ay jirkooda ku yaaleen 😭

Lakin waxaa ciil ah in gabdhaha marka la toogtay ay ahayd waqti hore ee habeenimadii ah lakin dhiig bax iyo badbaadin la’aan ayey u dhinteen oo saakay ayaa meydkooda laga soo saaray gudaha Pizza House

Dhaqtarka wuxuu sheegay in gabdhaha la badbaadin karay lakin 12 saac oo xiriir ah ayuu dhaawacooda yaalay maqaayada, ugu dambeyn wey u geeriyoodeen

• Dareenka Maamadii weysay halmar 2 gabdhood?

Qof qalbi jilcan uu alle siiyay ayaa dareemi kara xanuunka ay waqtigaan dareemeeyso hooyo Sahro Macalin oo labadeeda gabdhood Iftin iyo iimaan ay halmar ka geeriyoodeen

Reerka hada waxaa dhaawac ah gabadhii ugu weyneed, labo gabdhood waa geeriyoodeen, aabe marhore ayuu isagana geeriyooday, wiilka waa 12 jir, maamada waa bukaan socod (xaalada reerka waa mid daran)

• Waala aasay walaalaheen

Maanta duhurkii ayaa labada gabdhood ee sawirka ka muuqda Iftaax iyo iimaan waxaa lagu aasay qabuuraha barakaat ee duleedka Muqdisho

• Hadalka Hooyo Dulman

“Aniga ma aqaan saan ahay walaal, maskaxda ayaan ka waalanayaa, xalay ayagoo nabad qaba oo faraxsan ayey iga tageen, saakayna ayagoo meyd ah ayaa la ii keenay, alla tanoo kale ma ii dhineed”.

• Rajo beel ayey ku rideen Ifraax

Ifraax waligeed waxey jecleed in ay noqoto Hooyo wax dhashay oo ubadkeeda aragto lakin qadar alle ayaa u timid oo walaasheed ka yar iiman ayaa lala dilay

Ramadaan waa 10kii dambe Please aan u duceeyno labadaan gabdhood iyo intii kale ee ku geeriyootay weerarkii Pizza House

Allow u naxariiso Ifraax iyo iimaan iyo waalalaha kale ee naga geeriyooday aamin yaa rabbi 😭

Waxaa qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed (Share)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews