berberatoday.com
Wasiir Maxamud Xashi iyo Ku-xigeen Cali Dhagoole oo Isku Bahaystay Ugaadhsiga Masuul kasta oo Xil Dawladeed haya oo Leh Taageero Shacbiyadeed oo Daacad u ah Musharraxa Kulmiye Si ay Muuse Biixi Guuldaro u Ba’daan. Akhri masuuliyiinta siffaha Inqilaabka ah Xilka uu Wasiir Maxamud Xaashi uga qaaday isagoo la dagalamaya Muuse Biixi. Cali Xoor-xoor, Maareeye Kayd Iyo Gudoomiye Aadan Shiine….Qore. Cabdi Khadar Xuseen
June 15, 2017 - Written by Berbera Today

Wasiir Maxamud Xashi iyo Ku-xigeen Cali Dhagoole oo Isku Bahaystay Ugaadhsiga Masuul kasta oo Xil Dawladeed haya oo Leh Taageero Shacbiyadeed oo Daacad u ah Musharraxa Kulmiye Si ay Muuse Biixi Guuldaro u Ba’daan. Akhri masuuliyiinta siffaha Inqilaabka ah Xilka uu Wasiir Maxamed Xashi uga qaaday isagoo la dagalamaya Muuse Biixi. Cali Xoor-xoor, Maareeye Kayd Iyo Gudoomiye Aadan Shiine….Qore. Cabdi Khadar Xuseen

Shaqsiyaad iskugu jira Wasiiro iyo masuuliyiin kale, isla markaana uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo ku xugeenkiisa Cusub Cali dhagoole ayaa u banbaxay Hagar-daamooyin iyo Dabino Siyaasadeed oo Guuldaro loogu hor seedaayo Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu kala kulmo Doorashada soo socota Guuldaro.
Waxanay xubnahani, mudooyinkii Dambeeyey bartilmaameedsanayeen shaqo ka caydh iyo xilka qaadis lagu samaynaayo masuul kastaa oo Xilka haya Xukuumada, isla markaana Mustaqbalka dambe Cod u keeni kara Musharraxa Xisbiga Kulmiye.
Shirqooladan lagu wiiqayo Cudud iyo Cod uu Bulshada Somaliland ka helo Musharraxa  Madaxweynaha X. Kulmiye Md. Muuse Biixi ayaa qotadoodu dheer tahay, kuwasoo uu Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi iyo gacan yarayaashiisu ay in muddo ahba ka shaqeynaayeen baacsiga masuuliyiinta Shacbiyadda haystaa. Xoggaha laga helayo dhaq-dhaqaaqyada xubnahan qastigoodu yahay Guuldaro soo foodsaarta Musharraxa Xisbiga Kulmiye, ayaa Bartilmaameed gaar ah ka dhigtay masuuliyiin Hay’adaha  dawladda ee Gobolka Saaxil ee Shacbiyadda haystaa, kuwasoo Xilliga doorashadda Ollole Cod u keenaya Xisbiga Kulmiye, waxana masuuliyiinta shaqada laga Caydhiyey ee kalsoonida shacabka Saaxil haystaa kamid ah, Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, kaasoo Xilka qaadistiisa uu lahaa Wasiirka Madaxyooyaddu Md. Maxamud Xaashi, iyadoo Cali Xoor xoor yahay Nin waayo arag ku ah Kaambeynka Doorashada Cid waliba markhaati ka tahay.
Xubnahan Guuldarada Muuse Biixi isku bahaystay, ayaa indhahaa raacay xubnaha kale ee Shacabka Saaxil Kolsoonida ka haystaa, isla markaana Doorashadda Cod ka ugu badan u keenaya musharaxa Kulmiye oo daacad u ah. Waxanay arkeen Maareeyihii la Inqlaabay Wakaaladda Biyaha ee Berbera Md. Kayd Cabdilahi Xandule oo ahaa masuulka ugu shacbiyadda badan gobolka Saaxil xil ka haya Xukuumada Xisbiga Kulmiye.
Waxanay masuul Kayd Cabdilahi Xandule usoo maleegeen qorshe Inqilaab ah. Waxana Inqlaabka Maareeye Kayd Cabdilahi Xandule qorshaha Sahankiisa hore lahaa Wasiirku Xigeenka Madaxtooyadda Cali dhagoole, kaasoo usoo fuulay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, iyadoo wasiir Xaashina amar ku siyey wasiirka Waraabe u taaga ah ee Biyaha inuu maleego Inqilaabka, waxanu markii wasiirkaasi ku fashilmay, hada looga sii faaideystay maqnaanshiiyaha Maayirka Berbera oo isaggu maamula biyaha Degmada Berbera, waxanu mar kale Wasiir Maxamuud Xaashi amar ku siyey Agaasimaha Biyaha intaa uu Hargeysa ka raaciyey Ciidamo RRU ah kula soo wareegay xarunta wakaaladda Biyaha ee Berbera.
Dhinaca kale, waxa jahwareer siyaasadeed noqotay Muddoyinkan dambe shaqsi kasta oo Daacad u ah Xisbigan talada haye ee kulmiye oo la ugaadhsanayo iyadoo bartilmaameed ku yahay shaqsiga loo arko inuu leeyahay shacbiyad taageeradiisana ka daacad yahay kuwaasoo mid walba loo bedelaayo sifo ka baxsan qaabka dawladu wax u bedesho oo aad arkayso in looga quus gooyo xisbiga Kulmiye iyo Musharraxiisa,  iyadoo kaaga sii darane dawladdu mid walba la dhaafsanayso cid aan u qalmin ..
kuwii ugu dambeeyey ee arrimahan foosha xun lagu fuliyey waxaa ka mid ahaa gudoomiyhii wajaale ee bishii hore xil laga qaaday oo ahaa gacmaha xisbi xaakimka iyo dawlada Waxa aynu arkaynaa Mareeyihii biyaha berbera kayd oo isna ahaa halbowlaha dawlada iyo xisbigeeda ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Waxa muuqataa dibiga gawrac wayshu ha ku quusatee iyo in la cidhib tiraayo qofkasta oo muhiim u ah xisbigan doorashada u taagan & kii soo geli lahaa ee soo socday isna ha ku quustee,  waxa kaloo, ay dad badani is waydiinayaan miyaanu musharaxan Muuse ee taageerada doonayaa dareemayn Shirqooladda ay Kooxdani u maleegayso. Isla markaana baalashiisa lagu riffaayo. La soco danaha ay leeyihiin masuuliyiinta Wasiir Xaashi hoggaaminaayo ee Guldarada Muuse ka shaqeynaayo, iyo weliba Danaha Xisbi ee ay kala watan M. Xashi  Ucid iyo Cali dhagoole Waddani.
Qore. Cabdi Khadar Xuseen 
Hargeysa/Somaliland.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews