berberatoday.com
Mareykanka Oo Dalka Qadar Ka Iibinayaa Diyaarado Nooca Miiga Dagaalka Ah Oo Ku Kacaya $12 Billion,
June 15, 2017 - Written by Berbera Today

Doxa(Berberatoday.com)-Mareykanka ayaa Qadar ka iibinayaa diyaarado nooca miiga dagaalka ah oo ku kacaya $12Billion, heshiis arrinan la xidhiidha ayaa labada dal wada saxiixdeen.

Miiga dagaalka ee f-15, oo ah nooca loo yaqaan (gorgorka) kana mid ah kuwa ugu casrisan xaga duqeynta iyo xawaaraha duulista, ayaa laga iibinaya Qadar si kor loogu qaado awoodeeda ciidan.

Heshiiska waxa wada saxiixay wasiirka difaaca ee Qadar Khalid Al Attiyah iyo dhigiisa dalka Mareykanka Jim Mattis, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Qadar (QNA).

Wasiirka Difaaca ee Qadar oo hadlay wuu amaanay arrintan wuxuu ku tilmaamay tillaabo kale oo horumarinaysa iskaashiga dhinaca difaaca ah ee kala dhexeya Mareykanka, si ay ula diriraan xagjirnimada una horumariyaan nabada iyo deganaanshaha gobolka.

Heshiiskan waxaa ka horeeyay, mid $110billion ah oo Mareyakanku uu hub kaga iibinayo Sacuudiga, shalayto oo u danbeysay waxaa Golaha Senate-ka ee Mareykanku ansixiyey qorshe ku kacaya $500Million oo Mareykanku hub uga gadayo Sacuudiga.

Labada heshiis ayaa wakhtigooda isu dhowyahay, Labada dal ee Mareykanku hubka midba gaar uga iibinayona, xaaladoodu iskuma fiicna!

 

 

Jama deperani

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews