berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Maalinta Beriya Safar Ugu Baxaya Dalka Isutga Imiraatka Carabta Iyo Ujeedada Socdaalkiisa?
June 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)Sida ay sheegayaan Warar Xogogaal ah oo ay heshay shabakada Wararka Berberatoday.com Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)ayaa beri Galinka Danbe u amaba bixin doona Safar uu kutagay dalka isutaga imiraatka Carabta, 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid shaqsiya oo la xidhiidha arimo caafimaad Waxaana raacaya oo kaliya qoyskiisa iyo xoghayihiisa Gaarka ah.

Warar kaloo aanu ka helay Socdaalka Madaxweyne Siilanyo ayaa sheegaya inuu utagay dalka Isutaga Imiraatka Carabta qorshe uu sii diyaariyay Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Wakiilka Uga dawlada Somaliland dalkaas imiraatka Carabta Baashe Morgan, Qorshahaas oo la xidhiidha sidii loo meelaysan lahaa Lacag boqolaal milyan oo dollar ah taas oo dawlada Imiraatka Carabtu Ku bixisay Mashruucii sida Jujuubka ah Golaha Wasiirada Somaliland loo mariyay ee la xidhiidhay in La Taageero dawlada isbaahaysiga Sucuudiga Iyo Imraatku hogaaminayaan ee Xidhiidhka Loogu Jaray Dalka Qatar.

xogaha Rasmiga ah ee la xidhiidha Safarka Madaxweyne Siilanyo Iyo Qoyskiisu Kutagayaa dalkaas imiraatka carabta ayaa sidaasi sheegaya.

waxa kaloo Jirta in qorshahan Lacagta Boqolaalka Milyan ee Dollar Lagu Meelaysanayo laga qariyaya Guud ahaan xukumada iyo Golaha Wasiirada iyada oo safarka Madaxweynahana loo macneeyay mid la xidhiidha Safar Caafimaad oo shaqsiya waana Wax lala Yaabo in dalkii uu ugacan galay qawlaysato Magacii iyo maalkii dalkaba iibiyay oo aan waxba Ka xishoonayn.

Dhinaca Kale Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi oo isagana Laga qariyaya Qorshahan Qoyska Madaxtooyadu wataan hase yeeshee fahamsan ayaa samaystay qorshe kaloo kan lamid ah isaga oo Xidhiidho la sameeyay shaqsiyaad Beeshiisa kasoo jeeda oo kudhaqan dalka sucuudiga islamarkana ushaqeeya Madax hoose oo kamida Dawlada sucuudiga isaga oo ka diyaarsaday qorshe dawlada Sucuudiga loola xidhiidhiyo si uu ugu sheego inay Dawlada Somaliland taageertay dawlada isbahaysiga si uu halkaas waxooga caawimo Maaliyadeed ah Magaca dawlada Somaliland Ugu soo Qaato oo ulunsado Waxaana La Filayaa inuu Wasiir Maxamud Xashina maalmaha soo socda si dhuumasho ah ugu baxo dalka Sucuudiga waana xog Rasmiya oo aanu Helay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews