berberatoday.com
Ciidammada Dab-damiska Caasimadda Hargeysa Oo Dad Wax Ma Garato Ahi Dhaawacyo Ugu Geysteen Xaafad Ay Gurmad Ugu Baxeen
June 15, 2017 - Written by Berbera Today

Toban Askari Oo Dhaawacyo Gaadheen, Mid Dhaawac Culus Ka soo gaadhay Isha Midig

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Ciidammada Dab-damiska Caasimadda Hargeysa, ayaa dhaawacyo lagu gaadhsiiyey Xaafadda State House-ka, ka dib markii ay halkaa u tageen inay damiyaan Dab ka ka kacay Guri ku yaalla halkaasi.

Waaxda Warfaafinta ee Ciidammada Dab-damiska Caasimadda, ayaa sheegtay in Ciidammada Dab-damisku markay gaadheen Xaafadda State House-ka ee Hargeysa oo uu Guri ku gubtay, ay Ciidanka soo weerarreen Koox dhallinyaro ah oo Xaafaddaa deggan, dhaawacyana soo gaadhsiiyeen illaa Toban ka mid ah Ciidammada Dab-damiska.

Dhallinyaradan oo isticmaalayey hubka fudud sida budad iyo waxyaabo kale, ayaa Ciidanka oo ku jiray Bakhtiinta Dabka Guriga ka kacay, soo gaadhsiiyey dhaawacyo kala duwan, sida Dakhar.

Askarta dhaawacantay ayaa waxa ugu culus Afar, kuwaasi oo uu ka mid yahay Guuleed Carab Aadan oo dhaawac culus ka soo gaadhay Isha Midig, sida ay sheegtay Waaxda Warbaahinta ee Ciidanka Dab-damiska Caasimaddu.

Ciidammada Dhaawacyada kala duwan lagu gaadhsiiyey Xaafadda State House-ka ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee Hargeysa, si loogu daaweeyo.

Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Axmed-Sawaaxili iyo Agaasimaha fulinta ee Ciidammadaasi oo ka hadlay khasaaraha la gaadhsiiyey Ciidammadooda, ayaa falkan ku tilmaamay wax aan loo dul-qaadan karin, sax aanay ahayn in Ciidanka Dab-demiska la soo waydiisto gargaar, markay goobta tagaana la dhibaateeyo.

Labadan masuul waxa kale oo ay sheegeen in hadda wixii ka dambeeya Tallaabo laga qaadi doono Cidda ku kacda Falalka lagu waxyeeleeyo Ciidammada Dab-damisku markay Waajibaadkooda gudanayaan.

Ugu dambayn, Weerarrada lagu qaado Ciidammada Dab-damisku markay ku jiraan bakhtiinka Dabka ka kaca Guryaha Magaalada ku yaalla, ayaa Dadka qaarkood aaminsan yihiin inay dhacdo marmarka Ciidammada Dab-damisku ka soo daahaan Goobaha gurmadka u baahan, wallow Dad kalena aaminsan yihiin inay ka dhalato Dadka oo aan ku wacyi-gashanayn Hawsha Ciidammadani Dalka u hayaan, hawshaasi oo ay tahay in lagu taageero, halka marmarka qaarkood ay Gaadiidka Dab-damisku waayaan meelo ay u maraan Guriga ay bakhtiinayaan, maaddaama oo Dadku xidhaan Waddooyinkii loo mari lahaa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews