“Hadh Iyo Habeenba Waa La Ii Soo Hanjabaa, Laakiin Kama Baqdo Waxa Beri Dhici Doona”Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
June 14, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, marna noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in dhaqanku yahay caqabada ugu adag ee haweenka Soomaalida ka hortaagan ka qayb galka siyaasadda.