berberatoday.com
Siyaasad Caalamka Iyo Saameynta Ay Dawlada Qatar Ay Ku Leedahay Wax Ka Ogow?
June 13, 2017 - Written by Berbera Today

Doxa(Berberatoday.com)-Qadar oo ah dal yar oo qani ah isla markaana dadkiisu Sunniyiin yahiin, waa dal aad ugu dedaala in uu yeesho madaxbannaani siyaasad-dibedeed, waxuuna xoogga saaraa in ay danta dalkooda ka horeysiiyaan wax kasta oo kale. Waxay isu-qabaan in ay leeyihiin awood ay ku saamayn karaan gobolka Bariga Dhexe iyo adduunkaba. Waxay ku dedaalaan siyaasad furfuran oo ku-dhac ama geesinimo leh. waxa ay xuduud la wadaagaan Sacuudiga, waxayna ka mid yihiin ururka gacanka ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo “GCC” ee ay ku midaysan yihiin Waddammada Gacanka Carabtu.

Dalka Qadar waxuu maal-geliyaa Televisionka Al-jazeera oo ah mid ka mida kuwa ugu daawashada iyo saamaynta badan adduunka.

Qadar waxa deggan oo saldhig ku leh Dalka Mareykanka, iyaga oo marti geliyey 10,000 toban kun oo askari iyo Xarunta maamulka Dhexe ee Ciidanka Mareykanka ee loo yaqaan Central Command. waxay kaloo xiriir dhow la leedahay Dawladda Iiraan, waxaana xiriirkaasi uu koobsadaa dhaqaale, siyaasad, istaraatijiyad iyo ammaanba.

Waxaa xusid mudan in xiriirka Qadar la leedahay Iiraan uu fure u noqday wada-xaajooddyo badan oo qaarkood la isku dhaafsaday maxaabiis ay kala qabsadeen kooxaha dagaalka mad’habeed ee ku diriraya Bariga Dhexe iyo kooxaha kale ee dagaallada siyaasadeed isku hor fadhiyaaba.

Dhanka kale, iyada oo ay Qadar tahay xarunta martigelisa Ciidamada Mareykanka, waxa sidoo kale xafiis ku leh ururka Taliban, waxaana caasimadda Qadar ee Doha jooga qaar ka mida madaxda Taliban ee ugu sareeya, kuwaas oo adduunka oo dhami baacsanayo; si loo soo qabto, loona maxkamadeeyo, ujeeddada ugu weyn ee xafiiskaasi waa in la helo marin loo maro Taliban haddiiba ay dunidu rabto in ay la xaajooto, waana kaar gorgortan oo qaali ah oo ay gacanta ku haysato dawlada Qadar.

Waxaa jirta in Sannadkii 2016-kii waxa magaalada Doha uu ka dhacay wada-hadal loogu magac-daray “Wada-xaajoodkii Qadar” waxaana isku soo hor-fadhiistay Mareykanka, Pakistan, Taliban iyo Afghanistan, waxana laga wada hadlay ammaanka iyo nabadda Afganistan, halkaas oo ay Taliban ku dhiibatey dalabaad ay ka mid ahaayeen in loo sii daayo maxaabiis ka xiran iyo in qaar ka mid ah madaxdeeda laga saaro liiska madow ee Qarammada Midoobey. waxa kale oo la xaqiijiyey in xafiiska Taliban ee ku yaal Qadar uu fududeeyey is-dhaafsi maxaabiis ay dagaal ku kala qabsadeen Mareykanka iyo Taliban, inkasta oo arrimahaasi ahaayeen kuwo si hoose loo dhammeeyey haddana waxay ku tusaysaa saamaynta dalkan yar ee Qadar iyo xeel-dheeraanteeda dawladnimo.

Intaas waxa dheer, Waagii dhoweyd ee uu socdey Kacdoonnadii Carabta ee loo yiqiin “Guga Carabta” dawladda Qadar waxay taageero aan qarsooneyn u muujisay koox diimeedka siyaasiyiinta ah ee “Ikhwaanul Muslimiin” kuwaas oo kacdoon dheer kadib qabsaday dalka Masar, Qadar waxay taageertay dedaalkii uu dalkaa ku qabsaday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi.

Mar kale, Dawladda Qadar waxay xiriir laba-geesood ah la leedahay dawladda Israel ee ay colka yihiin Carabta kale. Aynu xusno in dhowaan markii Qadar ku guulaysatey in ay koobka Kubadda Cagta ee adduunka marti-geliso Sannadka 2022-ka Israel iyo Qadar waxay si wada-jir ah u dhisteen Garoon kubadeed oo loogu magac-darey caasimadda Qadar loona bixiyey “Doha Stadium” kaas oo laga dhisay magaala-Carbeedda Sakhnin ee Gobolka Galilee ee waddanka Israel.

Dhinaca kale, sida laga helay ilo Lubnaaniyiin ah, dawladda Qadar waxay dhowaan dagaallada Yemen ka socda ka soo samata-bixisay kooxo asal ahaan Yuhuud ah, basle Yamaniyiin ah oo dagaallada meeshaa ka socda ku xannibmey, waxay u soo daad-gureysey Doha, kadibna waxay u sii gudbisey Israel, xiriiradan iyo kuwa kale ee dhex mara labada dal waxay ku tusayaan isku-dhowaanshaha labada dhinac; iyada oo sidaas ah, haddana Dawladda Qadar waxa marar badan ka cawday Israel isla markaana waxa ay ku eedeeyey in ay maalgeliso kooxda Xamaas ee dagaalka ba’ani ka dhexeeyo Israel. Arrimahan ayaa dawladda Qadar ka dhigaya dal xeelad fog, lehna isku-wadka arrimo kala durugsan.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Qadar waxay u muuqataa dawlad leh xirfad iyo xiriiro diblomaasi dawladdeed oo dubaalad ama qoto dheer dheer, dalal badan oo ay ugu horeeyaan xulafada Sacuudigu waxa ay la yaabban yihiin dalkan yar ee carbeed ee aan la saadaalin karin, waxaana Dawladda Sucuudiga iyo xulafadeedu ay Qadar u arkaan dal aan iyaga u qabsoomin, lehna qorsheyaal siyaasadeed oo kuwooda ka duwan iyo madaxbannaani siyaasad-dibedeed, isla markaana aan la odorosi karin, Waa sababta marar badan aad u maqasho dhacdooyin diblomaasiyadeed oo taban oo ka dhex-qarxa Qadar iyo huwanta Carbeed ee kale, iyaga oo marmarka qaar gaara in ay si taban u wada hadlaan.

Dhowaan ayay ahayd markii uu Safiirka Sacuudiga u fadhiya Magaalada Washington uu boggiisa Twitterka ku qoray “Qadar waa wax aan ka badnayn Sadex boqol oo kun oo qof iyo TVga Al jazeera”

Inkasta oo Qadar ay joojisay duulimaadyadii Qadar Airways ku tegi jirtey Sacuudiga haddana waxa muuqata in ay arrinka u wajahayso si kooban, isla markaana aanay dooneyn in ay qaaddo dhabaha caaddifaddu ka muuqato ee ay dalalka kale qaadeen, taas waxa daliil u ah in dawladda Qadar sheegtay in aanay dalkeeda ka eryi doonin 300,000. Sadex boqol oo kun oo shaqaale Masaari ah oo ka shaqeysta.

Ugu dambayntii marka la isku soo xooriyo arimahan dhinac waxaa ah, Qadar oo isu aragta in ay tahay jilaa siyaasadeed oo leh saamayn gobol iyo mid caalami oo wax-ku-ool ah, dhinaca kalena waxa jooga Sacuudiga oo Qadar u arka dal yar oo carbeed oo ku caasiyoobey, isla markaana doonaya in uu soo hoggaan baro. Haddaba, waxaa dhowaan la filayaa in cadaadiska waddamada carabtu sii socdo, balse wada-hadallada ayaa mar walba haysta fursad iyo daaqad furan.

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Abdirashid Jeeni oo ah Falanqeeye, Xiriirka Caalamiga ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews