berberatoday.com
Dawladaha Carabta Oo Muqdisho Ka Bilaabay Loolan Ay Ku Kala Jiidanayaan Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Sugaysa Mahad-naqii Sucuudiga
June 12, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ka dib, markii Dawladda Federaalka Soomaaliya Go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay Khilaafka soo kala dhex galay Dawladda Qadar iyo Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo isla-markaana ku talisay in Wada-hadallo lagu xalliyo khilaafkaasi, ayaa waxa Dawladda Qadar Wefti u dirtay Magaalada Muqdisho Shalay, waxaana halkaasi gaadhay Wefti uu Hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirmaha dibedda ee Dalka Qadar Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi.

Warka SoomaaliyaWasiiru-dawlaha Arrimaha dibadda ee Dalka Qadar, ayaa la sheegay inuu isla Shalay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisa Xasan Cali Khayre, kana wada-hadleen Arrimo ku saabsan xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya, iyadoo la weriyey in Weftiga Qadar uu Madaxweynaha Soomaaliya uga Mahad-celiyey Go’aanka Xukuumaddiisu ka qaadatay Go’doominta Dawladaha Khaliijku ku soo rogeen Qadar.

Sidaasi oo kale, sida laga soo xigtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sucuudiga, waxa Toddobaadkii hore Magaalada Muqdisho gaadhay Wefti ka socday Sucuudiga, kaasi oo sida la sheegay in halkaa loogu diray inay Dawladda Soomaaliya ku cadaadiyaan inay ka noqoto Go’aanka ah inay dhexdhexaad ka noqotay Khilaafka Dawladaha Khaliijka.

Waxa la sheegay in Masuuliyiintii Dawladda Soomaaliya ee ay la kulmeen Weftiga Sucuudiga ka socday ay u sheegeen in Dawladda Soomaaliya aanay xilligan diyaar u ahayn inay ka noqoto Go’aankeeda, taasi oo la sheegay in Dawladda Sucuudigu ka cadhootay isla-markaana u sheegtay in iyaduna ka fiirsanayso in Soomaaliya loo siidaayo Lacag ka badan Konton Milyan oo Dollar oo Sucuudigu ugu deeqi lahaa.

Wufuudda Sucuudiga iyo Qadar ee isku daba-maraya Magaalada Muqdisho, ayaa muujinaysa in Go’aanka Dawladaha Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka Qadar iyo Xulafada Sucuudigu abuurtay Dagaal diblumaasiyadeed oo Dawladahaasi ku kala jiidanayaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Wufuuddan ayaa ku soo beegmaysa Xilli laba Maalmood uun laga joogo, markii Xukuumadda Somaliland soo saartay Go’aan ay ku taageerayso Xulafada Sucuudiga isla-markaana xidhiidhka ugu jarayso Dawladda Qadar.

Inkasta oo Dawladda Somaliland xidhiidhka u jartay Qadar, taageertayna Xulafada Sucuudiga, ma muuqdaan ifafaale muujinaya in Dawladaha Sucuudigu Hoggaamiyaa ay eexaysanayaan Somaliland, halka ay ku mashquulsan yihiin in Soomaaliya ay ka noqoto Go’aankeeda ah inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Qadar iyo Sucuudiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews