berberatoday.com
London”Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Weerar Loo Adeegsaday Gaadhi & Mindiyo
June 6, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in toddoba qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso oo habeen hore ka dhacay magaaladaasi.

Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

Weerarka ayaa bilowday ka dib markii gaadhi la jiidhsiiyay dad lugaynayay Biriijka caanka ah ee London Bridge.

Mid ka mid ah goob-joogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan isla markaana ordaya meel u dhaw Biriijka.

Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi tooreey la dhaceen.

Daqiiqado kaddib waxaa goobta gaadhay Booliiska, waxaana la maqlay rasaas.

Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa cambaareeyay weerarkan, waxa uuna ku tilmaamay mid fulaynimo ah.

Sadiq Khan ayaa intaa ku daray in aanu jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.

In ka badan 80 ah howlwadeennada gurmadka deg-deg ah ayaa durbadiiba gaadhay goobta uu weerarka ka dhacay.

Raysal-wasaare Theresa May, oo Shalay ka hadashay Weerarkan ayaa sheegtay in aan falalka noocan ahi aanay joojinayn Doorashada Ingiriiska ka dhacaysa 8-da bishan June.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Britain kaddib waxa uu ku tilmaamay masiibadan ugu danbaysay.

Madaxwayne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kastaa oo karaankooda ah si ay u caawiyaan Britain.

Warka Ingiriiska

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad kaddib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Machester ay ku dhinteen 22 qof.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews