berberatoday.com
Maleeshiyo-beeleedyo Ku Dagaalamay Duleedka Degmada Adhi-caddeeye Ee Gobolka Sool, Khasaaraha Ka Dhashay, Ciidamo Kala Dhex Galay & Wararkii U Dambeeyay
June 5, 2017 - Written by Berbera Today

Dagaalka labadan Beelood, ayaa ku soo beegmaya Maalmo uun ka dib, markii la soo Afjaray Colaaddii Beelaha Koonfurta Sool

Sool(Berberatoday.com)-Iska horimaad u dhaxeeya laba meleeshiyo beeleed ayaa Shalay ka dhacay magaalada Adhi-caddeeye oo 30KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ee Somaliland.

Iska horimaadkan oo salka ku haya muran ka dhashay dhul ku yaala dulleedka koonfureed ee magaaladaas ayaa la sheegayaa in uu sababay Dhimashada Hal Qof iyo dhaawac gaadhaya illaa Lix Ruux oo labada dhinac ah.

Maxamuud Cali oo ku sugnaa xilagaas Adhi-caddeeye ayaa waxa uu sawir ka bixiyey Dagaalka labada Maleeshiyo-beeleed “Mar keliya ayaan maqalay rasaasta dhacaysa oo ka bilaabantay meel aan ka fogayn halkii aan joogney xili aan safar ku jirey, iima muuqan wax wax gaadheen waxaase la sheegayey Nin dhintay iyo dhaawacba, rasaastiina muddo ka dib waxa ay u baxday dhinaca miyiga oo xaaladdii xasilooni ayay ku soo noqotay.”

Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo deegaankaas ayaa sheegay in ciidammada Milletariga Somaliland ay gaadheen deegaanadii xiisaddu ka taagnayd, isla-markaana kala dhex galeen, wallow Wararka qaarkood sheegayaan in Labada Maleeshiyo-beeleed midkood ay Rasaas ku rideen Ciidamada Qaranka.

Warar kala duwan oo ay baahiyeen Mareegaha Wararka ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in Dagaalkani ka dhashay goob laba Beelood midkood dhawaan ku caleemo saareen Suldaan isla-markaana Shirar lagu qaban jiray. Laakiin markii la isku dayey in dib loo dhiso dhisme halkaa ku yaallay oo Dabaylo dumiyeen ay Beel aan ahay ta dhisaysaa ka hor timid dhismaha Gurigaasi, iyagoo ku doodaya in Beesha dhisaysa Gurigii Suldaanka Lagu Caleemo saaray ee Dumay aanay halka uu ku yaalo lahayn, sidaa darteedna aanay xaq u lahayn inay Gurigaa ka dhisto.

Dagaal Beeleedka

Dagaalka labada Maleeshiyo-beeleed dhex maray, ayaa ku soo beegmaya dhowr maalmood uun ka dib, markii la soo afjaray Colaad muddo dheer u dhaxaysay laba beelood oo wada dega  Koonfurta Gobolka Sool.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews