berberatoday.com
“Dhaliisha Naloo Soo Jeediyey Way Jirtaa, Raaligalin Ayaanu Ka Bixinaynaa, Dhaliisha Oo Aad Qaadato Ayuunbaa Qaladka Lagu Sixi Karaa”Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka Maxamud Galaal Oo qirtay Dhalilo Loo Jeediyay Wasaaradooda
June 3, 2017 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horaysay qiratay inay ku fashilantay waxkaqabashada cudurka shuban biyoodka oo si xawli ah ugu faafay gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco. Wasiiru­dawlaha wasaaradda caafimaadka Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal), ayaa qiray inay jirto dhaliil ku saabsan xil gudasho la’aan iyo gaabin dhinaca ka hortagga waxaana uu sheegay inay raaligalin ka bixinayaan, isla markaana ay shacbiga xaalmarin ka siinayaan, waxaana uu sheegay qaadashada masuuliyadda

wasiirdalaha caafimadaka

oo keliya lagu sixi karo khaladka dhacay, mar uu arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi: “dhaliisha dadka waanu ka raali­gelinaynaa, wixii dhaliil jira waa inaanu qaadanaa haddii aanu nahay hogaanka wasaaradda, dhaliishu waa hogaanka wasaaradda oo aan ka mid ahay waxaanan leeyahay anigoo afkii wasaaradda ku hadlaya raaligalin baan ka bixinayaa, dhaliishu waxay naga soo gaadhaysay tabaabushihii iyo qorishii shuban biyoodka, haddii aad masuul tahay oo ay dhaliili timaado sida ugu quruxda badani waxa weeye inaad dhaliishii qaadato, markaad qaadato ee aad aqbasho ayuunbaad sixi karta waxna ka qaban kartaa, aniguna ka mid baan ahay ragga la dhaliilayo waanan raaligalinayaa shacbiga Somaliland”. Geesta kale wasiiru­dawlaha caafimaadka ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo wasiirka “horta wax walba lama odhan karo waa khilaaf, laakiin wasiirka weli ismaanu waraysan iimana sheegin sababta ninkii aan meesha ka kexeeyey ee aan sababo shaqada ku saabsan uga kexeeyay iima sheegin wasiirku weli, markaa su’aashaas wasiirka ayaynu waydiin doonaa” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Jaamac Aadan Galaal .

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews