berberatoday.com
Qorshe hawleedyada Cusub iyo Higsiga Xisbiga isbedeldoonka ee Waddani, Qalinkii A/rahman fidhinle UK
June 2, 2017 - Written by Berbera Today

Qaranka Somaliland waxaa hor yaala mushkilado badan oo caado unoqotay in ay Shacabka reer Somaliland la noolaadaan,lana daalaadhacaan maalin iyo habeen sida sicir bararka, shaqo la’aanta iyo cadaalad daradda.. Mushkiladahaa waxaa ka mid ah qabyaaladii oo bacrimtay oo dulaca furatay sidii loo furdaamin lahaa. Maal-urursi iyo musuq-maasuq baahsan sidii loo xakameyn lahaa, ku tagri fal hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda sidii loo soo celin lahaa iyo cabudhin iyo cadaalad daro aan geed loogu soo gaban oo saxaafada iyo xisbiyada lagula kufo sidii loo furdaamin lahaa.. Sidaa daraadeed wuxuu qaranka JSL uu deg-deg ugu baahan yahay qorshe hawleedyadan hoose ee Xisbiga waddani ku saleeyey masiirka ummadda kuwaas oo ka duulaaya Sawirka guud ee JSL maanta ka muuqda.

1- Waxaa loo baahan yahay in qorshe cad la curiyo si loo helo qaran ka nadiifa qabyaalad, qaraabo kiil iyo musuq-maasuq, qorshahaas oo ilaalin doona xoriyada aas-aasiga ah iyo xuquuqul insaanka iyada oo la ixtiraamayo heshiisyada caalamiga ah ee ( Universal declaration of Human rights )
2- Waxaa loo baahan yahay qaran suga midnimada dadka iyo dalka si shacabka JSL ay sife cadaalad ah ugu wadaagaan yuhuunta dalka, anfaca, mansabka, maganta, moorada, muquunada, kheyraadka dabiiciga ah iyo illaha dhaqaalaha ee dalka oo hada dhinac u ciiray oo weecsin iyo beegsin noqday.
3- Si bulsho weynta reer Somaliland isu aaminto waxaa dalku u baahan yahay qorshe cad oo ku saleysan in beelaha darafyada gaar ahaan Sool iyo Sanaag bari tabashooyinkooda la soo af-jaro , loona helo xal-waara taa soo loo baahan yahay in lala yimaado qorshe hufan oo ku dhisan wax-wada lahaansho iyo wada-tashi joogto ah.
4- Dalku wuxuu u baahan yahay isbedel Siyaasadeed iyo mid-maamul oo mug leh ( Political reforms )  wuxuuna u baahan yahay dhisme dawladeed oo aan daboolneyn ee daah-furan kaas oo ku saleysan cadaalad, wada-tashi iyo dhaqankii awoow-yaasheen, qorshahani wuxuu  shacabka JSL gaadhsiindoona cadaalad waarta , barwaaqo iyo adeeg bulsho oo hufan.

5- Dalku wuxuu ubaahan yahay qorshe ku saleysan tayeyn, dar-dar gelin iyo daryeelidii arimaha bulshada sida Caafimaadka, Degaanka, Waxbarashada, Wadooyinka, shaqaalaha, Garsoorka, koboc dhaqan dhaqaale iyo shaqo abuur joogto ah.
6- Dalku wuxuu u baahan yahay qorshe hawleed higsigiisu yahay xoojinta nabada iyo midnimada mujtamaca JSL iyada bishil iyo balaysinba looga dhigaayo siyaasad ku saleysan saami qaybsiga kuraasta sar sare ee duxda iyo iidaanka leh. sida kuwa  Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Fulinta.
7- Dalku wuxuu u baahan yahay qorshaha xoojinta qaranimada JSL si loo furdaamiyo caqabadaha hor taagan aqoonsiga iyo ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland oo hada caad iyo ciiro qarsoon ay xukuumadu saartay.
8- Dalku wuxuu u baahan yahay qorshe cusub oo lagu xoojinaayo 3-da Ciidan qaran ee JSL iyada oo lagu xoojinaayo agab cusub iyo tababaro loo furo ciidamada kala duwan iyo dhamaan ardayda dhameysata Dugsiyada sare ee dalka oo dhan ( National Services ) si ay uga qayb-qaataan ardeydu gurmadka deg-dega ah ee dalka.
9- Dalku wuxuu u baahan yahay qorshe cusub oo ku jihaysan sifihii shacabku uga haqab beeli lahaayeen Biyo nadiif ah, maadama xukuumada hada jirtaa ay ku fashilantay fidinta biyaha Caasimada iyo degaanada miyiga.
10-Dalku wuxuu u baahan yahay Misaaniyad mug leh oo ka turjumaysa baahiyaha aas-aasiga ah ee dalka ka jira taas oo ah Misaaniyad  runta odorosta oo yeelata Tashiil, Taxliil iyo Turuq.
11- Dalku wuxuu u baahan yahay qorshe cad ( 10 point plan ) oo dhalinyarada JSL lagu jahaynaayo maadaama mujtamaca JSL 70% ay yihiin dhalinyaro sidii xoogaa dihin looga faa’ideysan lahaa.
12- Dalku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho qorshaha kobcinta Dimuqraadiyada JSL ,taas oo hada ay ku dhacday hagrasho badan, hakad joogto ah iyo hadimooyin isdabo joog ah..
13- Waxaa dalku u baahan yahay in qorshe dhaxal gal ah loo sameeyo Abaaraha baahsan ee dalka ku soo noq-noqonaaya si loo badbaadiyo reer guuraaga naf iyo maalba.

Hogaanka Xisbiga Wadani wuxuu liqsiindoona  oo ku xasilin doona  shacabka JSL qorsheyaashan sare iyo barnaamijyada siyaasadeed ee ay soo  odorosi doonaan dhawaan si uu wadanka ugu maamulo oo uu cod iyo cuudba shacabka ugaga doonto quluubtoodana u kasbado. Somaliland waxay u baahan tahay Hogaamiye kala yaqaan qoysnimada iyo qaranimada kaas oo ka reeban qabyaalad, qori isku taag, qaraabo kiil iyo isxulafaysi kala fadila Beelaha walaalaha ee Somaliland. Waxaynu u baahanahay Hogaamiye aaminsan kefeda miisaanka iyo midnimo qaran oo waarta.

Geba-gebo: Maanta Rajada keliya ee  Somaliland Jirtaa  Waa isbedel cusub oo dalka ka dhaca isbedelkuna maaha Kulmiye – Kulmiye ku bedel ee Waa Kulmiye Wadani ku bedel si kasoonidii,karaamadii iyo rajadii shacabka  JSL u soo noolaato oo u soo noqoto.

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews