berberatoday.com
Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Heshay Jidkii Lagu Walaalayn Lahaa Beelaha Koonfurta Sool, Ka Dib 66 Oday Oo Laascaanood La Isku Hor-fadhiisiyey
May 31, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaal ugu jirta sidii loo soo Af-jari lahaa Colaadda muddada dheer u dhaxaysay Labada Beelood ee Bahararsame iyo Qayaad (Dhulbahante), kuwaasi oo Laba Bilood ka hor Xukuumaddu Colaaddooda ka soo saartay Go’aamo wax lagaga qabanayo.

Warka Xukuumadda ee SoolWasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees oo ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa faahfaahin ka bixiyey Wada-hadallo ay 66 Xubnood oo labada Beelood ka kala socda uga fureen Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo la doonayo inay Xal kama dambays ah ka gaadhaan Colaadda labada Beelood.

Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha labada Beelood oo kulankoodu muddo ka socday Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood, ayaa waxa Arrimaha lagaga wada hadlay sharraxaad ka bixiyey Wasiirka Arrimaha gudaha waxaanu yidhi “Hawshii meel wanaagsan oo waad gaadhaysaan aanaan is lahayn ayay noo maraysaa, muddo toddobaad ah ayaa waxa socda Shir loo qabanayo Ergooyin ka socda labada Beelood, kuwaasi oo u badan Cuqaashoodii, Waxgaradkooda iyo Nin doorkoodii oo ah 66 Ergay oo Min 33 ergay oo labada Beelood ah.”

Wasiir Yaasiin, waxa kale oo uu sheegay “Waxa noo dhamaaday oo aanu ka soo gudubnay oo la isla gartay arrimihii furaha u ahaa Nabadda, waxa noo hadhaynaa waa sidii Reeraha ay ka soo jeedaan Ergooyinkani loo gaadhsiin lahaa, ee wixii burbur ah ama Hanti ah ee dhex yaalla loo kala xaqi lahaa, la iskugu celin lahaa, ee loo wada degi lahaa ayaa noo hadhay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxyaabaha noo fududeeyay Xalka waxa ka mid ah meel baanu wada dejinay oo Qol baanu iskugu keenay, laba Nin oo kasta oo labada Beelood ka soo kala jeeda laba Furaash baanu isku garab dhignay, Cuntadii bay meel ku wada cuneen, Saxanka Cuntada ayay faraha wada galiyeen, waxaanu fursad u siinay inay doodaan oo ay wada hadlaan, isku hiloobaan, wayna dhacday sidii aanu ka rejaynaynay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews