berberatoday.com
Maxkamad Shalay La Soo Taagay Musharrax Madaxweyne Oo Ku Eedaysan Inuu Isku Dayey Inuu Is-dilo
May 31, 2017 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Peter Gichira oo ka mid ah Musharaxiinta doonaysay in ay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya, ayaa la soo taagay Shalay maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay in uu doonayay inuu is dilo, kadib markii uu ku guul-dareystey in uu soo buuxiyo shuruudaha uu kaga mid noqon lahaa Musharraxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.

Musharraxa Maxkamadda la soo taagayPeter Gichira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inuu isku dayay inuu iska soo tuuro dabaqa lixaad ee dhismaha guddiga doorashada dalka Kenya, waxaana lagu soo daayay damiin.

Booliska dalka Kenya ayaa soo qabtay Peter Sabtidii toddobaadkan isagoo doonayay inuu iska soo tuuro dabaq dheer kadib markii uu kamid noqday siddeed musharax oo ku guuldareystey inay soo buuxiyaan shuruudaha tartanka doorashada Madaxweyne ee 8 August 2017 ka dhacaysa dalka Kenya.

Mr Gichira oo ah siyaasi aan wax badan laga aqoon ayaa soo buuxin waayay mid ka mid ah shuruudaha laga doonayay inuu soo buuxiyo musharaxa Madaxweynaha oo ah inuu keeno saxeexyada 2,000 oo ruux, kuwaasoo aan xisbina ka tirsanayn 24 kamid ah 47-ka Gobol ee dalka Kenya.

Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la filayaa in ay si weyn ugu tartamaan Madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta, kaasoo markii labaad raadinaya in la doorto iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga oo markiisii Afraad u tartamaya madaxtinimada dalka Kenya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews