berberatoday.com
Ka Faa’iideyso Fadliga Bisha Barakaysan Ee Ramadaan
May 28, 2017 - Written by Berbera Today

RAYAAN: Kitaab Koobsaday waajibaadka, Fadliga iyo Qisooyin ku Duugan Bisha Ramadaan

Q.1aad

 Bushaaro…………Bushaaro……………..Bushaaro.

Wargeyska Himilo waxa akhristeyaashiisa ugu bushaareynayaa inuu u bilaabi doono qormooyin taxane ah oo ku saaban Fahamka Soonka iyo Axkaamtiisa oo si joogto ah maalin kasta ugu soo bixi doona Wargeyska, maadaama oo aynu ku gudo jirno bisha barakaysan ee Ramadaan.

Akhristayaal, Qormooyinkan taxanaha ah ee Soonka Iyo Axkaamtiisa ayaa ku  ku abtirsada Kittaabka Afka Soomaaliga ku qoran ee la yidhaahdo RAYAAN, ee uu qoray illaahay kheyr ha siiyee Sh Ibraahim Axmed Siciid, isla markaana uu si rasmi ah ugu ogolaaday qoruhu inaanu ku baahinno Wargeyska Himilo.

KITAABKA RAYAAN

Akhristayaal, Kitaabka RAYAAN waxa lagu soo koobay Soonka Iyo Axkaamtiisa Kala Duwan Cibaadada Ramadaanta La sameeyo, 100 Su’aalood Iyo Jawaabahooda Oo Soonka Ku Saabsan, 10 Qiso Oo Cibro Mudan, 50 Xadiis Oo Daciif ah Oo Soonka Laga Sheego.       

Hordhac

Waxa Illaahay inoo sheegay inuu inoo abuuray Cibaadadiisa, cibaadadaas oo uu isagu inoo qoondeey si fiicana inoogu tilmaamay, Qaabka aynu u Caabudayno, sifaha aan u raacayno, & dariiqa aan u marayno, waxa tusaale inaga siiyey suubanaha Nebi Muxamad,  wuxuu inagu yidhi: ” Iga qaata Cibaadadiina”, “Sida aan u tukadey u tukada” Cibaadadu ansaxi mayso haddii aan loo marin dariiqii Rasuulka, waxay Cullimadu yidhaahdeen Camalka Cibaadada ah wuxuu ku ansaxi karaa dhawr shardi in la helo:

  • In Asalka Cibaadadu tahay mid sugan oo sharciga boos ku leh magac iyo
  • In Cibaadada lagu raaco Rasuulka oo sidii uu u sameeyey loo sameeyo, taas oo isaga lagaga dayanayo, maadaama uu yahay tusaale
  • In Ilaahay dartii loola

Qofku haddii uu jeebkiisa kala soo baxo wax uu isagu Cibaado ka dhiganayo oo aan Asal shareecada ku lahayn, laga aqbali maayo, sidaa si la mid ah, waa inuu Rasuulka kaga daydo qaabka iyo Sifada Cibaadada loo fulinayo, haddii kale waxay noqonay bidco khilaafsan Sunadii, haddii aan Illaahay dartii loola jeedina waxay noqonay shirki iyo wax cid kale loola jeedo.

Soonku wuxuu ka mid yahay Cibaadooyinka Shareecadu inoo jidaysey, Illaahayna inagu addoonsaday, wuxuu ka mid yahay tiirarka shanta ah ee Islaamku ku taagan yahay, waana tiirka Afraad, Qofkii laga waayo ama la iman waaya isagoo aan haysan wax cudur-daar ah waxa naaqus ah Islaamnimadiisa, haddii ay ka tahay dafir & Canaadna inuu ku gaaloobayo ayey noqonay.

Soonku wuxuu leeyahay mid faral ah & mid sunne ah mid kastaana wuxuu leeyahay Axkaam iyo Xukuno kala duwan, Qofka Muslimka ah waxa waajib ku ah Cibaadada uu la imanayo inuu u lahaado Aqoon ku filan ugu yaraan Cilmi uu ku kala saari karo maxaa kaaga ansaxay? Maxay kaaga burtay? Camal falkana waxa hoggaan u ah cilmiga sidii   uu yidhi Imaamka Cumar Bin Cabdal Casiis1: “Kii Ilaahay ku Caabuda Aqoon la’aan waxa uu Kharibayo ayaa ka badan waxa uu haggaajinayo”, Saxaabiga Mucaad Bin Jabal2 Illaahay ha ka raalli ahaadee wuxuu isna yidhi: “Aqoontu iyadaa Camalka hagta, Camalkuna wuu daba socdaa” taa macnaheedu wuxuu noqonayaa in Aqoontu indho u tahay camalka & Shaqada aad fulisay, haddii  aad indho la’aan Socotid waxaad ka dhacaysaa haadaan aanad ka soo noqon Karin, taa waxaynu uga jeednaa in Cibaadada iyo Shaqada aad Illaahay wax kaga doonaysaa noqoto mid wadata Aqoon kugu filan oo aad ku haggaajin kartid.

Run ayuu sheegay kii ku gabyey: Aqoon la’aani waa Iftiin La’aan!!.

Haddaba walaal kitaabkan hortaada ka muuqdaa wuxuu Aqoon fiican kaa siinayaa Soonka & Axkaamtiisa kala duwan, wuxuu kugu hagayaa tubta fahanka Cibaadada Soonka, kaas oo haddii aad haggaajisid Abaal gudkiisu yahay Janno, sidii Illaahay inoo sheegay markii uu yidhi: “Soonku Abaalgud kale ma laha oon Janno ahayn”.

kitaabkan Waxaad ka helaysaa Soonku wuxuu ku ansaxayo iyo waxa uu ku burayo, waxa laga doonayo Qofka sooman iyo Adaabta uu raacayo, waxa nusqaanta ku ah & waxa kobcinaya, waxa lagaa doonayaa in aad dhuuxdo oo aad fahanto waxa ku qoran iyo tilmaanta uu ku siinayo.

Cidda ka faa’iidaysanaysa Kitaabkan

Kitaabkan Insha Alaah waxa ka faa’iidaysan doona:

  1. b) Dadka aan Luuqada Carbeed akhriyin ee aan daalacan Karin Dhaxalka Diiniga ah ee ku qoran kutubta Carabida ku
  2. t) Dadka ka durugsan meelaha Culimadu kutubta Soonka & Axkaamtiisa ku saabsan ka akhriyaan, kuwaas oo u badan ku noolaanshaha miyiga, Tuulooyinka & Qurbaha
  3. j) Cullimada Bisha Ramadaan dadka u soo bandhiga Axkaamta Soonka & Ramadaanka, waxaan filayaa in kitaabkani u noqon karo tixraac hawl yar oo wax badan laga diyaarin
  4. x) Ardayda & Dhallinyarada aan dhex quusi Karin Kuttubta Fiqiga & Luuqada iyo Eray bixinta ay

Kh) Qofka iska hubinaya Axaadiista Soonka ku saabsan, waayo waxaan halkan kusoo ururiyey 50 Xadiis oo daciif ah oo soonka ku saabsan.

  1. Qofka doonaya inuu ka dhergo Su’aalaha Soonka & Ramadaanka ku saabsan, waayo waxaan halkan ku soo ururiyey 100 Su’aalood & Jawaabahooda oo Soonka & Axkaamtiisa ku

Farriinta Qoraha Kitaabka RAYAAN

Kitaabkan waxaan ugu tala galay inuu buuxiyo qayb ka mid ah masaafada u dhaxaysa Dadka Soomaaliga oo keli ah wax ku qora iyo barashada diintooda gaar ahaan Cibaadadan qaaliga ah ee Soonka, anigoo isku deyaya bal in aan afkooda hooyo casharo ku qoran u soo gudbiyo.

Taas oo aan dareensanahy in aan wax badan laga qaban, ujeedooyinkaa iyo kuwa kale oo aan hoos ku xusi doono ayaa ah waxa igu kalifey in aan kitaabkan soo saaro waxayna yihiin:

  • In Ummada Soomaalida ay ku yar yihiin kuttubta ku qoran luuqadooda ee Diinta wax uga sheegaysa haddii ay tahay dhanka Cibaadada & Macaamilka ama
  • In baahi darrani ka jirto in Dadka laga dhergiyo Aqoonta Soonka iyo
  • In aan iska rido wax ka mida masuuliyada Ilaahay iga saaray gudbinta Diinta & ku
  • In aan raadiyo raalli noqodka Illaahay anigoo shaqadan aan qabtay ka baryayaa inuu ka dhigo mid aan wejigiisa karaamada leh ku

Tubta Aan doortay

Kittaabkan waxaan u dejiyey qaab sahlan oo loo fahmi karo, hadal kasta & Xukun kasta oo aan sheegay daliilkiisa ayaan raaciyey ilaa meelo yaryar oo aan ka baqay in hadalku dheeraado mooyaane, dariiqaa oo aan is idhi wuxuu munaasab ku yahay Walaalaha kitaabkan ka faa’iidaysan doona.

Aayadaha & Axaadiista kittaabka ku qoran mid kasta waxaan ugu Abtiriyey meeshii laga helayey haddii ay tahay Aayad waxaan sheegay Suurada & tirsigeeda, haddii uu yahay xadiis waxaan sheegay darajadiisa & halka laga heli karo.

Dhinaca fiqiga inta badan waxaan keenay kala duwanaanta mad’habha fiqiga ee la yaqaan, haddii ay ii muuqato in aan tilmaamo sida xooga badan waan raaciyey.

Waxa kale oo aan kittaabka ku dhex googooyey qisooyin aan ugu tala galay inay nasasho u noqdaan akhriyaha kittaabka si  aan wahsi iman, qisooyinka oo ah dhacdooyin jira oo mudan in qofku ku cibro qaato.

Waxa iyana kittaabka ka mid ah Boqol Su’aalood & Jawaabahooda oo ah kuwa inta badan la weydiiyo Cullimada, iyadoo aan filayo inay iyaga laftoodu ka qayb qaadan doonaan fahanka soonka & Axkaamtiisa.

Mahadnaq

Mahad dhamaanteed waxa iska leh Boqorka ina uumay ee inagu galladaystay in aynu noqono Dad Muslimiin ah oo gudanaaya Cibaadadiisa, waxa bogaadin mudan Suubanihii ina soo gaadhsiiyey Diintan wanaagsan isagoo u soo huray Cimrigiisa, Dhiigiisa, Fikirkiisa & Maalkiisa, waxa iyaguna Ammaan gaar ah mudan  Saxaabadii Rasuulka & Dadkii Cullimada ahaa ee masuuliyadii saarnayd sideeda uga soo baxay iyagoo inoo soo tebiyey dhaxalkii Ambiyada.

Intaa ka dib, Waxaan halkan uga mahad naqayaa Dhammaan Dadkii si toos ah & si dadbanba uga qayb qaatay soo bixida Kittaabkan, iyadoo aanay suura gasheen soo bixidiisu dadaalkooda la’aantii, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa, C/raxmaan Aadan Shire oo iska lahaa Nidaaminta & isku dubaridka kittaabka isagoo ku bixiyey Dadaal aan caadi ahayn, waxa isagana halkan uga mahad naqayaa Maxamed Ibraahim Cabdulaahi & Shirkada Daabacaada Sagaljet oo ka qayb galay Naqshadaynta jaldiga Kitaabka.

Waxa Isaguna Xusuus gaar ah mudan Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo dadaal badan ku bixiyey soo bixida kittaabka, dhammaan waxaan Illaahay u weydiinayaa Denbidhaaf & inuu ku arsaaqo Janada Firdowsa.

Aamiin.

Ibraahim Axmad Saciid (Jii’aar)

Email: ibraahimgr@gmail.com

Mob: 252 63 4220006

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews