berberatoday.com
Ururka Vosomwo Ee Udooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Cod Dheer Ku Cambaareeyey Diidmada Iyo Jidh Dilkii La Iskugu Daray Lamanaha Is-doortay Ee Lagu Ciqaabay Is-ma Gaydaan Iyo Xisbiga Oo Ururku Uga Digay Inuu Dano Siyaasadeed Uga Faa,idaysto Arimaha Beelaha Gabooye
May 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Waddanaiga ah ee Vosomwo ayaa soo saaray War-saxafaadeed dhinacyo badan taabanay, oo ay kaga hadleen is hortaga Guurkii Wiilka Gabooye iyo Gabadha lagu Ciqaabay, waxanay War-saaxaafadeedkoodaas ku sheegeen inay qoyskii Inaanku sababo amaan awgood dalka uga baxeen, isla markaana u qaxeen dalka Itoobiya. Sidoo kalen waxa uu Ururka Vosomwo farriin adag u diray Xisbiga Waddani oo shaqsiyaad kamid ahi dhacdadan Inaanta iyo Wiilka uga faa’ideysteen dhinaca Siyaasadda, balse aan daacad ka ahayn in la cidhib tiro gabood fallada lagu hayo bulshadan. Geesta kale, War-saxaafadeedkan waxa baaqyo cul-culus loogu kala diray Xukuumadda iyo Madaxweynaha, Waaxda Garsoorka, Ciidamada Booliska, Xisbiyadda, Culimada iyo aqoonyahanka dalka. Waxanu dhigan yahay Wa-saxaafadeedkaasina sidan.

“VOSOMWO Minority Women. 23/5/2017. Ujeedo, War-Saxaafadeed: Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo waxa uu halkan ku cambaareynaya marka hore hab-dhaqan kasta oo Isir oo lagu takoorayo Bulshada kasoo jeeda Beelaha Gabooye, isla markaana gooni ay iskaga sareen Bulshada kale ee ay walaalaha yihiin ee isku Diirka, Diinta, afka iyo dhaqankaba wadaagan ee Soomaaliyeed, kuwasoo ka siman hayb-soca iyo sidoo kale takoor bilaa kasta kasoo horjeedda Diinteena islaamka ee Umadda Gabooye lagu hayo.

Ururka Vosomwo Waxa si cad u Cambaareynayaa Falkii Foosha xumma ee ka baxsanaa xuquuqda Bini-aadanimada ee sida cad qoys kamid ah Bulshada Somaliland uu todobaadkan isku hor-taagay Guurka Lamaane dariiq Islaamnimo doonayey inay ku dhisaan Gur xalaal ah oo lagu kala magacaabo Axmed-nuur Khadar Cabdilahi iyo Rooda Mukhtaar Yuusuf. Guurkaas lamanaha la iskugu diiday oo sababtiisu ahayd Wiilka Inaanta Doonayey inuu kasoo Jeedo Bulshada Beelaha Gabooye, balse aanu jirin Cudur-daar kale. Waxananu Urur ahaan markale, cambaareynaynaa Falkaa Guurka lamaanaha is ogol lagu diiday oo weliba Waalidka dhalay Inaantu Jidh Dil arxan darro ah u gaystay Gabadha, kaasoo gaadhsiiyey dhaawacyo badan oo halis ah iyadda iyo Waalidka Inaanka Abihii oo isna Odayga Inaanta dhalay Gacan ka Jabiyey.

Talaabadani waa mid dulmi ah, oo cawaaqib xumadeeda leh, waxanay sababtay Inay dalka Somaliland gabi-ahaanba ka qaxaan Wiilkii Iyo Gabadhii iyo weliba waalidka Inaanka, kaddib xaalad amaan xummo oo soo food-saartay, kuwasoo u talaabay dalka Somaliland la jaarka ah ee Itoobiya. Waxaanu Ururka Vosomwo Xukuumadda Somaliland ugu baaqaya inay qoyskaas dalkooda hooyo kusoo celiso, isla markaana damaanad qaado amaankooda iyo xasilooni ku noolashahooda. Sidoo kalena, waxan labada qoys ee arrinkani ka dhex-dhacay usoo jeedinaynaa inay xaalada nabad iyo walaalnimo kusoo dabaal, iskuna Guuriyan lamanaha, isla markaana soo af-jaran xiisadan kala foggaynaysaa Bulshada walaalaha ah ee isku diirka, Diinta, dhaqanka, afka iyo isku midka ah ee Ilahay isku deeganka wada dhigay Soomali.

Ururka Wadaniga ah ee Vosomwo waxa uu halkan Digniin adag uga Diraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo qaar kamid ah madaxdiisu arrinka lamaanahan la isku diiday ee dhaawaca la daran-yeysan uga faa’ideysanaya dhinac Siyaasadeed, isla markaana sii kala foggayna Bulshada loo baahan yahay in nabad iyo waan-waan laga dhex dhaliyo, waxananu halkan fariin u diraynaa Madaxda xisbiga Waddani ugu Sarraysaa, gaar ahaan Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi oo aanu u hayno karaamo iyo xushmad weyn, iyo sidoo kale, hoggaanka xisbigaas Xirsi Cali X. Xasan iyo weliba madaxda kale ee ugu sarraysaa Xisbigaasi, inay gacan bir ah ku qabtaan shaqsiyaad Xisbiga Waddani ka tirsan oo iyaggu caadeystay inay kala foggeeyan umadda Somaliland, kuwasoo dhacdo kastaa oo ka dhacda Xaafadda Daami ee Magaaladda Hargeysa bulshada kala dhex-dhiga naxli iyo cunfi aan loo baahnayn. Sidaas daraadeed Xisbiga waddani waxanu leenahay Bulshada Beelahan Hadaad wax u qabanaysaan oo xuquuqdooda kaga maqan shacabka iyo dawladda usoo dhicinaysaan si cad usoo bandhiga kuna kasbada Bulshada, balse naxli iyo faaideysiga danaha gaarka ah bulsho lagu kala dhex-dhigo arrimo xal u baahan iyo qof dhibaataysan Inaad dhibkiisa uga faa’ideysato danahaga Siyaasiga ah waa Dulmi kale oo Xisbiga Waddani kula kacaayo Bulshada Gabooye iyo walalahooda kale ee ay waxka Tirsanayaan.

Waxa kaloo, ururka Vosomwo usoo jeedinaya madaxda Ciidamada Booliska Somaliland inay sharciga horkeenan cidi ku kacday falkaa foosha xun ee Gabadha lagu jidh dilay dookheeda Guur iyo lamanaha ay calmatay loogu Ciqaabay. Sidoo kalena waxan fariin tan Booliska lamid ah usoo jeedinaynaa Waaxda Garsoorka Dalka oo iyaggana looga baahan yahay inay ciqaab adag mariso cidi falkaa ku kacday, khaasatana waalidka dhalay gabadhaas.

Geesta kale, Ururka Vosomwo waxa uu culimada Somaliland usoo jeedinayaan inaanay Indhaha ka ilaalin dulmiga iyo gabood fallada lagu hayo bulshada Gabooye, waxananu ugu baaqayna inay Bulshada si faahfaahsan oo aan gabasho lahayn ugu cadeeyan sababta lagu diiday inaanay laga guursan Karin, ama loo guurin qof kasoo jeeda Beelaha Gabooye, waxanan leenahay waa dulmi iyo cadaalad darro ilahayna wuu idinku eegayaa ee Diinta Umadda u sheega, arrimahan bulshadan lagu takooraayo haddaydaan raali ka ahayn ka sheega Masaajidada iyo Muxaadirooyinkiina, umaddana ugu nasteexeeya inaad dhibka dhexyaala ka dhex qaadan.

Xukuumadda Somaliland waxanu Cod dheer ugu sheegaynaa inaan la aqoonsan bulsho iyadda aan is aqoonsan, waxananu leenahay Xukuumadda markaa hore iyaddu dulmiga haka dayso bulshada gabooye, hana siiso xaqoodii ay dalka ku lahaayeen oo ka maqan, sidoo kale, wax haka qabato tacadiga Bulsho ee Isir ee lagu hayo umaddan gabooye. Waxananu si toos ah halkan farrintan ugu gudbinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxananu leenahay, Madaxweyne dadkani waxa ay kamid yihiin kuwii aad u dhaaratay, dalkana way kula leeyihiin, sidaas daraadeed waxanu ka codsanaynaa inaad wax badan ka qabato oo aad siiso Xuuquqdooda kaga maqan Xukuumadada, sidoo kalena fuliso Xeerka Kootada Beeshani maganta kaga tahay mudada badan ee Golayaasha qaranka.

Docda kale, Ururka Vosomwo waxa uu Cod dheer ku gaadhsiinaya Hay’addaha Xuquuqd Aadamaha inay deg-deg gacan uga haystaan gabood fallada bulshadan lagu hayo, sidoo kalen baadhis iyo daba gal ku sammeeyan Kiiskan dulmiga ah ee jidh dilka loogu gaystay Gabadha iyo Inaanka is guursadday ee dhibka loogu gaystay isma gaydaan. Gunta iyo gabo-gabadii waxanu guud ahaan shacabka Somaliland, Culimada, aqoonyahanka, Xukuumadda iyo Xisbiyadda dalka oo dhan ugu baaqaynaa inay gacan ka gaystaan sidii Takoorka looga dayn lahaa Bulshada Gabooye, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa is dhexgalka bulshada wada nool ee walaalaha ah ee aanay jirin Diin iyo wax kale oo joojinaya macaamilkooda Guur, wada noolasho iyo waxkastaa oo la xidhiidha arrimahan lagu hayo umaddan Gabooye.

Waa Bilahi Tawfiiq.

Gudoomiyaha Ururka Vosomwo Marwo Faysa Cabdilahi Diiriye.

Office Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews