berberatoday.com
“Faysal Cali Waraabe Isagu Waa Dilaal , Meeshu-na Xisbi Ma Aha,UCID-na Waa Qeyb Ka Mid Ah Xisbiga Kulmiye. Faysalna Musharax Ma Aha Oo Lacag uun buu uruursanayaa Kulmiye iyo dekadana wuu ka qaatey , markaas Gudoomiye nimadana wuu ku Dilaalaa Uun Ee Dhab Kama Aha Musharaxnimadiisu”Siyaasi Cabdi Haybe
May 25, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa (Berberatoday.com)- Siyaasiga Cabdi Haybe oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu is barbar dhig ku sameeyey musharaxiinta saddex xisbi ee Waddani , UCID Iyo Kulmiye. Cabdi Haybe ayaa waxaa uu ugu horeyn uu sheegay In Faysal Cali Waraabe uu dilaal yahay isla markaana aanu Faysal Aheyn Musharax waxaana uu yidhi
“Faysal Cali Waraabe isagu waa dilaal , Meeshiinu Xisbi ma aha , xisbiga UCID na waa qeyb ka mid ah xisbiga Kulmiye Faysalna Musharax ma aha oo lacag uun buu uruursanayaa Kulmiye iyo dekadana wuu ka qaatey , markaas Gudoomiye nimadana wuu ku dilaalaa uun ee dhab kama aha musharaxnimadiisu ” ayuu yidhi
Sidoo kale Muddane Cabdi Haybe waxaa uu eedo u jeediyey Musharax Muuse Biixi isaga oo sheegay in Muuse yahay Nin Askari ah oo aan siyaasada waxba ka aqoon isla markaana aan dalka isku wadi Karin waxaana uu yidhi
” Ninka Askariga ahi asalkaba siyaasi ma noqdo , Askariga shaqadiisu waa digtoonow iyo dib u jeeso waa amar uun “
Ugu Danbeyn siyaasi Cabdi Haybe ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Waddani uu isagu qabo in uu yahay ninka maanta ku haboon in uu dalka madaxweyne ka noqdo isla markaana laba musharaba kaga haboon qabashada talada dalka
” Ninkan hogaaminaya xisbiga Waddani waa nin Diblumaasi muddo badan soo ahaa waa nin degan markaad saddex musharax aad eegtana anigu waxaan qabaa in uu yahay ninka dalka wax u tari kara ” ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Haybe
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews