berberatoday.com
War-murtiyeed Ka Soo Baxay Kulan Laga Hadlay Xorriyada Warbaahinta
April 29, 2017 - Written by Berbera Today

War-murtiyeed ka soo baxay kulan laga hadlay xorriyada warbaahinta

Waxa magaalada Hargeysa ka dhacay 26kii iyo 27kii April 2017 kulan laba maalmood ah oo ay ka soo qayb galeen ergo lixdan qof ah oo ka kala socday dhamaan gobolada Somaliland. Waxa ka soo qaybgalay suxufiyiin, ururada bulshada rayidka ah iyo qaybo kale oo bulshada ah, xirfad layaal, sadexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, iyo saraakiil dawladeed.

Kulanku wuxuu si mug leh uu lafo guray caqabadaha hortaagan warbaahinta dhinaca sharci, dhaqaale iyo xirfadeed ba. Waxa la isla gartay in la joojiyo ciqaabta warbaahinta iyo in arinka warbaahintu uu yahay mid sal balaadhan oo ay tahay in cid walib ka qaadato doorkeeda si loo hurumariyo. Kulanka waxa martigelisay Xarunta Xuquuqal Insaanka oo uu gacan ka siiyay ururka la yidhaahdo International Media Support. Ururka suxifiinta ee SOLJA ayaa qayb laxaad leh ka qaatay abaabulka iyo hirgelinta kulanka.

Kulanku wuxuu soo jeediyay talooyinkan soo socda:

  1. In la dabaqo oo la raaco Dastuurka JSL oo ah sharciga u sareeya dalka iyo Xeerka Saxaafadda;
  2. In la joojiyo in lagu dabaqo warbaahinta Xeerka Ciqaabta oo ah xeer gaboobay oo aan la jaan qaadi karin dastuurka iyo hanaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay;
  3. In wixii dacwad ah ee laga qabo suxufiyiinta loo maro hanaan dacwad madani ah;
  4. In la sameeyo gudi madax-banaan oo xeer abuuray oo looga caban karo suxufiyiinta;
  5. In wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda;
  6. In la ilaaliyo oo la ixtiraamto madax banaanida warbaahinta
  7. In la abuuro qaab iyo hanaan lagu diiwaangeliyo oo lagu xaqiijiyo suxufiyiinta;
  8. In diiwaangelinta ha’adaha warbaahineed loo fuliyo si niyad sami ah oo aan caqabad lahayn;
  9. In la furo machad ama kuliyad lagu barto culuumta saxaafadda;
  10. In suxufiyiinta iyo warbaahintu ay ixtiraamto xuquuqda dadka kale, xirfadda suxufinimo iyo anshaxeeda;
  11. In la sameeyo wada hadal dhex mara dawladda iyo suxufiyiinta si wax looga qabto is-faham la’aanta dhextaal saxaafadda iyo dawladda;
  12. In hay’adaha warbaahintu ay suxufiyiinta u shaqeeya siiyaan mushahar joogto ah islamarkaana suxufiyiintu ay helaan xuquuqda iyo ilaalinta Xeerka Shaqaaluhu siiyay shaqaalaha;
  13. In kor loo qaado wacyigelinta dadwaynaha ee ku aadan xorriyadda warbaahinta;
  14. In ururada bulshada rayidka ahi ay si hagar la’aan ah u taageeraan una gacan qabtaan warbaahinta iyo suxufiyiinta oo laf dhabar u ah hawlaha madaniga ah;
  15. In ururada caalamiga ahi ay taageeraan oo ay gacan buuxda siiyaan xorriyada warbaahinta, suxufiyiinta iyo ururkooda;
  16. In la gacan qabto ururka suxifiiyinta ee SOLJA si uu u noqdo urur awood u leh inuu guto hawlihiisa.
  17. In laga qaado caqabadaha gaarka u ah haweenka suxufiyiinta ah oo la abuuro deegaan shaqo oo ay ka hawlgeli karaan.

Wixii faah-faahin ah waxaad kala xidhiidhi kartaa:

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,

Email: chair@hrcsomaliland.org

 

Declaration by a Forum Discussion on Freedom of Media in Somaliland

On 26th and 27th April 2017, a Forum Discussion on freedom of media has taken place in Hargeisa, the capital of the Republic of Somaliland. Journalists, civil society organizations, professionals, the three political parties (Kulmiye, Waddani and UCID) and government officials participated the forum. The participants were sixty people representing all the regions of Somaliland, namely Hargeisa, Togdheer, Sanaag, Sool, Awdal and Sahil.

 The Forum extensively and deeply analysed the legal, economic and professional challenges facing freedom of media in Somaliland. After two days of candid discussions, the participants agreed the decriminalization of media, and acknowledged that media issues are complex and require all stakeholders to take their part in its development. The forum was hosted by Human Rights Centre with the support of the International Media Support (IMS). Somaliland Journalists Association (SOLJA) helped in organizing the event.

 Finally, the Forum made the following recommendations:

  1. The Constitution which is the supreme law of the land and the Press Act shall be applied on all media related issues;
  2. The outdated Penal Code which is incompatible with the constitution and the democratic system of Somaliland shall not be applied on the media;
  3. Any case against a journalist shall be initiated and handled in accordance with the civil laws;
  4. An independent commission formed by a law shall be established to hear complaints against journalists;
  5. The Press Act shall be amended;
  6.  The independence of the media shall be fully respected;
  7.  A mechanism and procedure of registration of journalists shall be established to provide certifications to the journalists;
  8. The current registration of media houses shall be made in a good faith and all obstacles shall be removed;
  9.  A school or university faculty teaching journalism shall be established;
  10.  The journalists and media houses shall respect the rights of other citizens, professionalism and ethics of journalism;
  11.  A dialogue between the government and the journalists shall be made to resolve and clarify the misunderstanding between the government and the journalists;
  12. The media owners shall give salaries to the journalists who work for them, and the rights and protection granted by the Labour Law to employees shall be given to the journalists;
  13.  The awareness of the society on the freedom of media shall be increased;
  14.  The civil society organizations shall fully support the freedom of media and journalists which are cornerstone for civic space;
  15. The international community shall support the freedom of media and the journalists;
  16.  The Somaliland Journalists Association (SOLJA) shall be supported to capacitate to carry out its work;
  17.  The challenges specially facing female journalists shall be removed and better friendly environment shall be created for female journalists;

For further information contact:

Guleid Ahmed Jama

Chairperson of Human Rights Centre

 Email: chair@hrcsomaliland.org

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews