berberatoday.com
Musdanbeedka Xisbiga Waddani Oo Laga Soo Sheegayo Inay Qoonsadeen Hadalkii Hogaamiye Xirsi Ee Ahaa”Anigu Imika Waanka Qalin-jebiyeyoo Meel Kale Ayaa La Ii Diray Oo Aan Macalin Ka Ahayn…Iska Iimanso Muusow Anigu Meel Kale Ayaan Macalin Ka Ahaye”
April 29, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiinta rug-caadaga ah ee ku jiraa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si weyn uga cadhooday weedho ay qadaf iyo meelka dhac u arkeen oo Maanta uu Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan ka jeediyey Munaasibad Guddida Doorashooyinku ku wacgelinaysay Bulshada Gobolka Awdal inay qaataan Kaadhka Codeynta ee Doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

Weedhahaas ayaa ahaa kuwo Hoggaamiye Xirsi iskaga diffaacayey eeddo doraad uga yimi Musharraxa Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Hase-yeeshee qaybo kamid ah uu Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan ku yasay Odayaasha Siyaasadda mudada dheer kusoo jiray ee ay isku Xisbiga Yihiin, oo u ku tilmaamay inay yihiin Arday uu Macalin u yahay Isaggu. Sidoo kale, waxa hadallada ay qoonsadeen Siyaasiyiintaa ugu tunka weyn masraxa Siyaasadda Somaliland oo badi Xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland iyo weliba Xukuumaddii Somaliya in loo soo diray Xisbiga Waddani oo u ku joogo inuu soo carbiyo Xisbigaas.

Siyaasiyiinta xeel-dheeraayaasha ah ee ku abtirsada Xisbiga Waddani ayaa kulamo lagu gorfeynaayo hadalka ay u arkeen nusqaanta ee Hoggaamiye Xirsi waxa ay ku yeesheen, goobo kala duwan oo ay kamid yihiin Xafiisyada Xisbiga Waddani, Merfishyada ay Siyaasiyiintaasi fadhiistaan iyo sidoo kale Hutaallada waaweyn ee dalka iyo weliba khadka Telefoonka oo ay si weyn uga doodeen micnaha Siyaasiga ah ee u xambaarsanaa. Waxa kaloo weheliya weedhaha qoonsiga dhaliyey hadal kale oo guuldaro Siyaasadeed u horseedaya Gudoomiyaha Xisbigaas ahna Musharraxa Xisbiga Waddani Md. Cirro. Waxana weedhahaas dooda dhaliyey kamid ah.

“Faysal iyo Cirro ayaa Isku Mederesad ahaa, waxana ka Sheekh ahaa Faysal oo Waxba Odhan Maayo. Laakin Anigu Muuse ayaanu Isku Mederesad nahayoo, waa Mederasedii Siilaanyo, oo Muuse Isaga hore u sheegay oo waakii Yidhi waxaan ku jiraa Mederesedii Siilaanyo. Anigu Imika waanka Qalin-jebiyeyoo Meel kale ayaa la ii Diray oo aan Macalin ka ahayn…Iska Iimanso Muusow anigu Meel kale ayaan Macalin ka ahaye”.

si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta diiday Ardaynimada Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan Macalinka ugu yahay ee ka gubtay hadalkiisa ayaa waxa lagu sheegay, Magacyadooda Ismaacil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland iyo Somaliya, Cabdi Haybe Maxamed oo ahaa wasiir Xukuumadii Madaxweyne Riyaale ka tirsanaan jiray, Siyaasi Siciid Sulub oo isna ahaa Wasiir Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale, Mujaahidiin, Siyaasi Axmed Xaji Cabdilahi Xamarje iyo weliba Xildhibaano muddo labataneeyo Sanadood ah kusoo jiray golaha wakiiladda Somaliland, waxana Xildhibaanada kamid ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xubno kaloo badan. Waxana la sheegay inay baadhitaano dheer ay ku samayn doonaan hadalka Xirsi ee ay u arkeen Quudhsiga.  

 

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews