berberatoday.com
Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe: Macalin Aan Mahadiyey W/Q Naasir Aadan
April 29, 2017 - Written by Berbera Today

Mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe: Macalin aan mahadiyey

Ugu horayn Waxaan Ilaahay uga baryeyaa Inuu Caafimaad degdeg ah Siiyo Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Mujaahid Yusuf Gabobe oo muddo laba todobaad ku dhaw xaalad caafimaad ugu jira Cisbitaalka guud ee Hargeisa.

8 sano iyo dhawr Bilood oo aan la shaqaynayey markasta oo uu ila soo hadlo ama aan la kulmo waxa uu ahaa shaqsi aan ka korodhsanayey aqoon iyo wax cusub oo aanan hore u aqoonin isla markaana aan muddo gaaban ku dareemi jiray faa’idadeeda.
…………………………………………………………
Markasta oo aan Report qorro Ama aan Waraysi qaado wuu ila soo hadli jiray, waxaanu igu dhiirigalin jiray shaqada aan qabtay, isagoo haddii ay wax iga dhiman yihiin ii sheegi jiray waxa warbixintayda ka dhiman haddii uu report fiican yahayna igu bogaadin jiray, taas oo marwalba i galin jirtay yididiilo aad u wayn.
………………. Waxa aan xasuustaa mudadaa sideeda sano Ahayd ee aan ka hawlgalayey Haatuf Media Network subaxkasta oo uu Wargeysku soo baxo haddii hal xaraf oo Khalad ahi ku jirro oo Khalad Madbici ahi uu dhaco waxa uu hal hays u lahaa Yuusuf Cabdi Gaboobe oo uu odhan jiray “Camii khaladaadka inaga ilaaliya ilayn mujtamac dhan baynu wax u Tabinaynaa oo waxaynu nahay Wargays akhristayaal badan lehe kalsoonida akhristayaasheena dhawra”
……………….. Waxaan xasuustaa oo aan u soo joogay markasta oo Weerar ama Borobogaando Somaliland kaga timaado dhinaca Somalia waxa uu nagu odhan jiray Qaranimadda Somaliland inaanay gorgortan gali karrin si wayn u muujiyey oo barbar istaaga Qaranimadda Somaliland.
…………::::::: Waxa aan u soo Taagnaa maalinta ay dhacdo arrin Qaranimada Somaliland khatar ku Ah meesha ay doonto ha ka dhacdee Inuu Yuusuf Cabdi Gaboobe isaga oo cadhaysan nala soo hadli jiray oo uu soo qori jiray Amaba noo yeedhin jiray war difaac u ah Qarankan, isagoo adeegsanaya aqoonta iyo Hibada uu Ilaahay u siiyey Qorista Wararka iyo Warbixinaha kala duwan, taas oo uu noo raacin jiray Warka 1-aad ka dhiga oo ka badheedha difaaca qaranka.
::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Run ahaantii Qoraal kuma soo koobi karro kaalintii uu Yuusuf Cabdi Gaboobe kaga jiray Difaaca Qaranka Somaliland horayso iyo danbayso-ba, anigoo jecel waliba inaan wax badan u dhaafo dadka iga waayo aragsan ee Yuusuf yaqaanay ilaa Halgankii SNM iyo ka horba, anigoo aaminsan Inuu ka mid yahay shaqsiyaadka farro ku tiriska ah ee ugu muddan ummadan.
Guntii iyo Gabo-gabadii: anigu maanta idinma barri karro shaqsiyadda Yuusuf iyo kaalintii uu kasoo qaatay dib u dhiskii dalka, inagoo wada og Inuu halgankii dalka dib loogu xoreeyey inuu ku soo biiray isaga oo haysta shaqo fiican oo uu lacag badan ku qaadan jiray, isla markaana Family iyo caruur u joogta dalku aanay jirin Ayuu go’aansaday Inuu shaqadiisii fiicnayd maalin cad ka soo dhaqaaqo oo uu duurka gallo.
Maadaama oo aynaan waxba tarri karrin inagu oo aynaan haynin midida daabkeeda waxa aan odhan lahaa uun Ilaahayoow na garadsii oo na fahansii inaanu abaalkooda ogaano inta ay nool yihiin Dadkii abaalka nagu lahaa.
Ilaahay waxa aan uga baryeyaa Yuusuf Cabdi Gaboobe Guddoomiyihii Haatuf Media Network Inuu caafimaad sareecan ah siiyo oo uu ka dulqaado xanuunka.

 

 

 

W/Q Naasir Aadan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews