berberatoday.com
Dalka Masar Oo Saldhig Military Ka Sameysan Doona Mid Ka Mid Ah Dalalka Bariga Africa+Waa Dalkee
April 29, 2017 - Written by Berbera Today

Masar(Berberatoday.com)-Jabhad ka soo horjeeda dawladda Eritrea, ayaa daboolka ka qaaday in Masar heshiis ay Saldhig Millatari ku furanayso la gashay xukuumadda Eritrea. Ka dib markii ay ka quusatay inay Somaliland siiso saldhig ay ka doonaysay.

Image result for Cabdifataax Al SIsi

Mareegta The National, ayaa saldhigan wax ka qortay, waxa warbixinteedu u dhigneed sidan .

 

“Wararka ka imanaya dalka Eritrea, ayaa sheegaya in dawadda Masar ay heshiis la gaashay xukuumadda Eritrea si ay uga furato Saldhig Millatari dalkaas.Wargeyska Sudan Tribune, ayaa baahiyay in dawladda Masar ay hore iskugu dayday Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti,

 

 

ka hor intii aanay ku guulaysan inay heshiis la xidhiidha saldhigga Millatari ay la saxeexatay dawladda Eritrea.

Dawladda Masar, waxay labadii sannadood ee la soo dhaafay ay shirar la xidhiidha saldhigga ay doonaysay la yeelatay xukuumadda Somaliland, hase yeeshee dawladda Somaliland ayaa diiday iyadoo ka dheeraanaysa in saldhiggani uu wax u dhimi doono cilaaqaadka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya.

Siday daabacay jariirada Sudan Tribune, Jabhadda canfarta ee mucaaridka ku ah maamulka Eritrea ee la yidhaahdo RSADO, ayaa sheegay in Isniintii toddobaadkii hore, ay dawlada Eritrea la saxeexatay Masar inay saldhig Millatari ka siiso dalkeeda, iyadoo aan muddada heshiiskani qaadan doono aan la caddeynin.

Saraakiisha jabhadaasi, waxay sheegeen in heshiiskani ka dhashay wefti heerkiisu sareeyay oo ka socday dawladda Masar oo toddobaadkii hore booqasho ku tagey Eritrea.

Siday tibaaxeen masuuliyiinta u hadlay jabhadda Canfartu, 20.000 illaa 30.000 oo askari, ayay Masar qorshaynaysaa inay dejiso Saldhigan.

Haddii uu rumoobo saldhigani, waxay Masar noqonaysaa dalkii u horreeyay ee Afrikaan ah iyo waddankii saddexaad ee Carbeed ee Saldhig Millatari ka furta dalka Eritrea.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews