berberatoday.com
Khasaaraha Ka Dhashay Rasaas Ay Fureen Ciidamo La Socday Shirkadaha Shidaal Baadhis Ka Wada Deegaanka Higlo Iyo Dadka Deegaankaasi Oo Ka Hadlay
April 26, 2017 - Written by Berbera Today
Khasaaraha Ka Dhashay Rasaas Ay Fureen Ciidamo La Socday Sherkad Shidaal Baadhis Ka Wada Deegaanka Higlo Iyo Dadka Deegaankaasi Oo Ka Hadlay.
Higlo(Berberatoday.com)-Dadka ku nool deegaanka Higlo ee gobolka Saraar ayaa cabasho ka muujiyey sherkad shiinaha oo halkaasi shidaal baadhis ka wada iyagoo ku eedeeyey inay masuuliyiinta sherkadda ee waddanka u dhashay ay been abuur cad ka sameeyeen dadka deegaanka, been abuurkaas oo sababay inay ciidamada amaanku weerar ku qaadaan dadka ku nool Higlo.
 
 
 
Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Higlo oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay siday wax u dhaceen, waxaana ay sheegeen in mid ka mid ah hawl-wadeenadii sherkaddu uu ka been sheegay dadka deegaanka, ciidamada booliskuna ay rasaas dhaawac sababtay ku fureen dadka deegaanka oo arrinkaas ka hadlayana waxa hadalkoodii ka mid ahaa:
 
 
“Halkan Higlo indhawayd waxaa ka jirtay biyo la’aan baad la’aan iyo dadka oo iskaba dhimanaya oo waliba si qayrul xad u dhimanaya , baahida halkaas taalna ilaahay mooyaane cid kale oo wax ka qaban kartaa ma jirto, iyadoo sidaas ah oo aanan cidna gargaar ka hayn ayay gabadhi halkan ku dhimatay, isagoo maydkii halkaas yaalla ayaa waxa noo yimi sherkadan shiinaha ah, waxaa gaadhi watay nin la yidhaahdo ina dhal-baas oo hawlgalka hogaaminayay, waxaanu ku nidhi maydka noo soo qaad, waa uu diiday inuu qaado maydkii, wax lala yaabay oo aan islaamnimada ku wanaagsanayn ayay noqotay.
Markaa dumarkii iyo caruurtii wadadii bay gooyeen, odayaashii iyo culimadii magaalada ayaa wadadii dib u furay, markii wadadii la furay warbixin buu bixiyey (ina dhal baas) wuxu yidhi Higlo way go’antahay ninkii shiinaha ahaa ee hawsha hor kaacayayna wuxu yidhi waa la haystaa waxbana arrinkaas kamay jirin, halkaas markay marayso ciidan hubaysan oo dubaabadihiisii wata ayaa na soo galay, dadkii lama waraysan oo waayeelkii lama waraysan oo waxba nalama waydiine rasaastii uunbaa sidaas naloogu jiifiyey, markaa dhaawacii oo afar qof ahaa waa nalaga qaaday oo badhasaabka Caynaba ayaa naga qaaday, markaa waxaanu cadaynaynaa dadkaasi inaanay waxba gaysan oo waxay xumeeyeen aanay jirin oo aanay shidaal diidin”.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews