berberatoday.com
Koox Budhcad Hubaysan Ah Oo Jidgooyo Ugalay Gaadhi Bas Ah Aaga Deegaanka Oog Ee Gobolka Saraar Iyo Darawalkii Gaadhiga Oo Ay Dileen+Dadkii Rakaabka Ahaa Oo Ay Baadheen
April 25, 2017 - Written by Berbera Today

Caynaba(Berberatoday.com)-Dabley hubaysan oo aan ilaa hada la aqoonsan ayaa jid gooyo ka gashay aaga deegaanka oog oo ka tirsan Gobolka Saraar iyaga oo toogasho ku dilay Alle Ha Unaxariiste Marxuum lagu magacaabi jiray Cawil Jaamac Ismaaciil oo darawal ka ahaa mid ka mid ah baabuurta shirkada Yaasmiin ee basaska Caasiga ah oo u kala Goosha Hargeysa iyo Gobolada Putland ilaa Bosaso.

Dableyda ayaa toogtay darawalkii ama wadihii gaadhiga kadibna baadhay dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaadhigaasi kana qaatay wixii lacago, Mobilo iyo mihiim ahaa ee rakaabku sitay intaasi kadibna ka baxsaday goobta ay falka ka gaysteen oo la sheegay inay masaafo kooban ujirto Kaantaroolka Bari ee Magaalada Oog.

Kooxda budhacada ah ee Dilka iyo baadhashada dadka shacabka ah gaystay ayaa ilaa hada la aqoonsan Waxase la sheegayaa in talaabooyinka dadka safarka ah lagu baadhaa waayadan danbe halkaas aad uga jirtay wax talaabo ah oo xukumadu ka qaadayna aanay jirin ilaa hada.

 

Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cawil Jaamac Ismaaciil  ayaa kasoo jeeday deegaanka Gobolka Bari ee Putland(Majeerteen Cali Saleeban)sida ay sheegayaan dad joogooyaal ah oo aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay.

ilaa hada laamaha amaanka ee Gobolka Saraar kamay hadlin falkan budhcadnimada ah ee kooxda arxanka Darani ku kaceen ee ay dilka iyo baadhashadaba ku gaysteen Aaga Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar Maydkii Marxuumka la dilayna waxa uu yaalaa Cisbataalka Magaalada Caynaba.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews