berberatoday.com
Siyaasadda Mabda’a Ku Dhisan Iyo Siyaasadda Dhaqanka Ku Dhisan W/Q Mohamed Abdi Hassan Diridhaba
April 23, 2017 - Written by Berbera Today

Siyaasadda Mabda’a Ku Dhisan Iyo Siyaasadda Dhaqanka Ku Dhisan

Ma maqli jirtay maah-maah Soomaaliyeed oo tidhaahda “Riyahu hadday dub leeyahiin dabaday ku qarin lahaayeen”, inta kuma ay joojin eh haddana waxay yidhaahdeen “Baso waa baso si kastood u subagto”, bahasha basadda la yidhaahdo haddaad maanta oo dhan subag cod-cod ah dabada u qabato oo aad is tidhaahdo dagoogilka ka bi’i adiguunba nafahaaga u daalaya.

Haddaad maqasho siyaasi ayaa isbedelay, waa been aan maryo xidhnayn oo lagu sheegayo, dhaqanka siyaasigu isma bedelo, ee siyaasadda isbedesha.

Bal u fiirso koonkan aynu ku noolahay, bal isku day inaad laba jeer rogto bogaga taariikhda hogaamiyayaashii lahaa dhaqanka militeryga ee dunida soo maray, xita kuwii intay iska dhigeen dirayska militeryga damcay inay hogaamiyaan dawlad rayid ah, ku arki maysid hogaamiye lagu hodmay.

Anigoo nin da’yar ah ayaan waxbarasho sare ka hellay mid ka mid ah dalalka ugu xoogga waaweyn dunida islaamka waa dalka Pakistan eh, waa dalka qudha ee dunida islaamka haysta quwadda atomikadda Nuclearka ee dunida, intaan ku noola dalka waxaan ku hoos noola nidaam uu ka taliyo hogaamiye military ahi.

Waxaan tagay iyadoo uu maalmaha xukunka sifo afgambi ah kula wareegay Janaraal Pervez Musharraf, oo afgambiyay xukuumaddii raysal wasaaraha hadda xilka haya Nawaz Sharif.

Markii uu xukunka muddo kooban hayay wuxuu ka bilaabay meeshii ugu xumayd, haa dabcan dalku wuxuu u baahna hogaamiye adag oo isbedel la taaban karo ku sameeya, laakiin dhaqanka militerygu ma yaqaano midnimada dadka shacabka ah, duruusta siyaasaddana ugumaba jirto inay mideeyaan kala duwanaanshaha afkaarta siyaasiga ah.

Madaxweyne Musharraf markii uu tallada qabtay halkii ugu horaysay ee uu ka bilaabay waxay noqotay inuu kala qaybiyo shacabka dalka Pakistan, wuxuu mamnuucay xisbiyo siyaasadeed, wuxuu xabsiga dhigay rag haldoor siyaasadeed ahaa oo qaarkood isaga la soo shaqeeyey.

Dalkii lahaa cadawga qudha ee Hindiya, isla markaana xoog iyo xoolo waxay lahaayeen u huri jiray inay u babac dhigaan 1.4 bilyanka qof ee la dariska ah ee collaadda gamuurtay ka dhexaysay, wuxuu ka door biday inuu gudahii Pakistan cadaawad ka dhex bilaabo, Pakistan tii ugu xasiloonayd mandaqadda Koonfurta Aasiya, ayaa mar qudha isku bedeshay goob bahalo galleen ah, waxay xaaladdu ugu darrayd markii uu dirayska iska dhigay ee uu xukunkii madaxtooyada isagu la wareegay.

Dib u raad raac taariikhda oo ha ka hadhin bogageeda,11 kii bishii September sannadkii 1973-kii waxaa ka dhacay dalka Chile ee ku yaalla qaaradda Koonfurta America, Afgambi taariikhi ah oo weliba haayadda sirdoonka dalka maraykanka ee C.I.A-du ay qayb libaaxleh kaq qaadatay, cahdigu waa markii lagu guda jiray dagaalkii qabooba ee dunida, waxaana dunida kala qaybsaday midawgii Sovietka oo dalal badan oo Koonfurta America ah saamayn ku lahaa, iyo imbaradooriyaddii isbedel doonka galbeedka ee uu maraykanku hormoodka ka ahaa ee NATO.

Waxaa dalka Chile la wareegay saraakiil uu hormood ka ahaa Augusto Pinochet, dad badan oo reer Chile ah ayaa soo dhaweeyey isbedelka oo ay u arkayeen in militerygu ay ugu yaraan dadka reer Chile oo laba iskugu biireen kala furfurnaan dhexdooda ah iyo tiif dhaqaale xumo ay wax badan ka qaban karaan.

Pinochet wuxuu iska dhigay dirayska sannadkii 1980 kii, wuxuuna noqday hogaamiye dhinac ka military ah, dhinac na ka rayid ah, wixii ka dhacay Chile taariikhduba way u joogtay, wuxuu curduduubay dhammaan xorriyatul qawlkii, weliba ku darso wuxuu ahaa nin la doortay wixii 80-naadkii ka danbeeyey, wuxuu dhegta dhiiga u darray hogaamiyayaashii axsaabta dhinaca bidixda xiga, waxaana uu xukunka joogay ilaa 1990 kii oo dalka oo burbur ku dhaw xukunka laga tuuray.

Aan usoo duluc dego, ujeedada aan qoraalka u xardhay, Somaliland waxaa u sharaxan Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo intii Somaliland xornimada heshay iyo kaba horaysay intii aanay xornimada helin noqon doona siyaasiga keliya ee leh dhaqan military, bishii July sannadkii 2011 kii mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo hadal ka jeedinaya goob ay iskugu yimaadeen warfidiyeenadda Somaliland hotelka Maansoor, ayuu si cad u sheegay mid ka mid ah dhaqanadda aanay aalaba hogaamiyayaasha militerygu aanay qarsan, oo ah necaybka xorriytul qawlka iyo siyaasadda furfuran.

Wuxuu ka sheekaynaayay sannadkii 1995 kii, isagoo marka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland xukuumaddii madaxweyne Cigaal, ayaa nin ka mid ah askartiisu u sheegtay in wergeyskii Xorriya ee waaga ka soo bixi jiray Hargeysa uu war ka qoray Muuse Biixi oo safar ku jooga meel Berbera u dhaw, waa markii xiisaddii dagaalkii BERBERA socotay.

Muuse Biixi wuxuu yidhi “markaan maqlay warkaasi, darawalkii gaadhiga ii waday ayaan ku idhi, i gee meesha xafiiska u ah qolada wax qortay, waxaa la i keenay meel yar oo xaafadda shidhka ee Hargeysa ku taallay oo wergeyskaasi xarun u ahayd, mabaan la hadale, kii warka qoray iyo wixii meesha (Wergeyska) joogayba intaan garbaduub u xidhay ayaan gaadhiga xagga danbe ku guray”

Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalka sii wada wuxuu yidhi “lix cisho markay ii xidhnaayeen oo ay weliba ku xidhnaayeen koontiinar ku dhex yaallay gurigayga, ayaa waxaa ii yimid Xasan Ciise Jaamac iyo rag ergo ah, oo igu yidhi xadhiga nimanka waxaa ka hadashay haayadda xuquuqul insaanka Amnesty, weligayba miyaan maqlay xuquuqul insaan”

Siyaasigu dhaqankiisa miyuu bedela mise Siyaasadda isbedesha.

Janaraalka Maraykanka ah ee badiba wax ka qora culuumta loo yaqaano (normative political theory), kana mid ahaa saraakiisha dhinaca istaraatijiyadda u qaabilsana wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka Janaraal Norman Schwarzkopf, ayaa mar isagoo hadal ka jeedinaya mac-hadka siyaasadda iyo istaraatijiyadda ammaanka ee Washinton waxaa la weydiiyay askartu hogaamiyayaal ma noqon karaan wuxuu ku jawaabay “Leadership is a potent combination of strategy and character. But if you must be without one, be without strategy, and unfortunately the military men is lacking the character, they are very bad temper, and the cannot run a country” “hogaanku waa haykal ka kooban isaraatijiyad iyo dabeecad, labada haykal mid haddii aad ka maarmayso waxaa laga maarmi kara istaraatijiyadda, nasiib darro askartu malaha dabeecad wanaagsan, mana maamuli karaan dal”

Odhan maayo Mudane Muuse Biixi Cabdi, haddiiba la doorto wuxuu u horseedi kara dalka kala daadasho ku timaadda, hayeeshe cid kasta oo dan ka leh Somaliland waxaa quman inay taariikhda wax ka bartaan.

Caqliga garashada ku jirto, ee ka fekeraya jiilka maanta jooga iyo tobanka sanno ee ninka maanta tartamaya xukumi doono, waxaa ka quman jiilka soo socda jiilka ku sii xiga dhaxal looga tago, caqligaasi waxaa la gudboon inuu intuu qabyaaladda, qabiilka, eexda, hebel jecaylka, intuu meel iskaga tiiriyo, inuu ka fekero, mustaqbalkeena ma ku aamini kara hogaamiyayaal uu Muuse Biixi Cabdi ka mid yahay.

Ugu danbayn kuwa aan ogahay inay meesha soke wax ka arkaan, oo aan weligood meel fog ka fekerin, ee kollay ku deg degi doona inaan qoraalkani ula jeeday musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi waxaan keliya leeyahay bal saacad wakhtigiina ka mid ah intaad caqligiina ka saartaan qabiilka, qof jeclaysiga iyo eexda, hadda waa saacad qudha, caqligiina oo madax bannaan oo fayaw, is bar bar dhig ku sameeya seddexda nin ee maanta inoo sharaxan

Waad mahadsantahiin

Walaalkiin Mohamed Abdi Hassan Diridhaba

Image may contain: 1 person, glasses
Image may contain: 1 person, standing
W/Q Mohamed Abdi Hassan Diridhaba
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews