berberatoday.com
Cabsi Dagaalka Nuclear-ka Oo Caalamka Soo Food Saartay
April 23, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Markab dagaal oo xambaarsan diyaarado iyo gantaalo oo ah nooca duqeynta fuliya ayaa gaaray xeebaha Peninsula ee Korea , waa meesha uu beegsanayey si uu u duqeeyo Kuuriyada Waqooyi hadii la amro.

Arritan ayaa timid xili Kuuriyada waqooyi diyaarinayso inay tijaabiso gantaalkii lixaad oo Nuclear ah, Mareykankuna waxaa uu ku goodiyey inuu duqeyn doono Kuuriyada Waqooyi hadii ay ka baaqsan-weydo Tijaabada Gantaal Nuclear ah oo ay hada diyaarinayso.

Kuuriyada waqooyi ayaa ka hadashay Markabka la dulkeenay iyo Hanjabaada cusub, war qoraal oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Kuuriyada Waqooyi ayaa arrintan looga hadlay.

“Waxaan uga jawaabi doonaa dagaal buuxa , dagaal buuxa anagoo adeegsaneyna Nuclear-kayaga iyo farsamada duqeyn ee Nuclear-kayaga, ugu danbeyna waan ka guulaysanayna Mareykanka”

Markabka Dagaal ee Carl Vinson, waxaa uu Mareykanku soo diray todobaadkii hore laakiin mar dhexe ayuu ka leexday jihada Korea sabab aan la shaacin, in uu hada soo dul istaago Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu micneeyay in laga maarmi waayey in dagaal bilowmo,

Tilaabada Mareykanka qaaday sharciyan waxay la micno tahay hal talaabo oo dhinaca dagaalka loo qaaday, waxaase indhaha lagu haya Tijaabada Gantaalka Korea ku adkeysatay inay tijaabinayso iyo waxa ka dhasha.

 

 

Jama Deperani

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews