berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Doon Kaluumaysi Oo Berbera Laga Leeyahay Oo Ku Dagtay Xeebaha Bariga Gobolka Saaxil Iyo Qeyb Kamida Shaqaalihii Saarnaa Oo Raq Iyo Ruuxba Layahay
April 18, 2017 - Written by Berbera Today

 

Image result for Dooni Kuwa Kaluumeysiga AH

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dooni kuwa kaluumeysiga ah oo ka shiraacatey magaalada Berbera ayaa waxaan ay ku degtay deeganka Ceel Daraad oo dhinca bari kaga beegan magaalada Berbera Waxaana sidaas ucadeeyay Shabakada Wararka ee Berberatoday.com Isuduwaha Wasaarada kaluumaysiga Ee Gobolka Saaxil Ismaaciil Cabdi Xirsi.

Doontan ayaa waxaa saarnaa lix qof shaqaale kaluumaysi ah isla markaana laba ka mid ah ayaa la helay Iyaga oo nool oo kasoo dabaashay goobta doontu ku dugtay oo ahyd biyo sare oo Bada ah Waxaana Ilaa Hada la layahay Raq iy  Ruux doontii iyo 4 ka mid ah shaqaalihii doontaas Saarnaa meel ay jaan iyo cidhib ay dhigeen.

Doonta kaluumaysi ee dagtay ayaa waxa lahaa Isuduwaha Wasaarada kaluumaysiga ee Gobolka Saaxil oo lagu magacaabo Ismaaciil Cabdi Xirsi oo Kamida Kaluumaysatada Berbera ayaa Shabakada Wararka Berberatoday.com ucadeeyay shilkaas doontiisu ku qaraqantay.

Waxa kaloo Ismaaciil Cabdi Xirsi uu sheegay in dhacadadani dhacday habeenkii xalay abaara 12kii habeenimo sida la qiyaasayo iyada oo doontu kasoo laabtay kaluumaysi ay mudo shan habeen ah ku maqnayd oo kaluun badanina saarnaa.

Ilaa Hada wax gurmad ah oo loo fidiyay doontaas iyo kaluumaysatada saarnayd oo jiraa ma jiraan Waxaana la filayaa in ay afarta ruux ee kalee doonta saarnaa geeriyoodeen oo badu liqday maada,a oo aan ila hada raq iyo ruuxtoona lahaynin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews